Booliska Itoobiya oo Addis Ababa ku qabtay hub iyo dhar ciidan & 5 ruux oo lala xiriirinayo (SAWIRRO)

0

Addis Ababa (Halqaran.com) – Komishinka Booliska ismaamulka magaalada Addis Ababa ayaa sheegay hub iyo dhar ciidan oo sharci darra ah in lagu qabtay bakhaar uu shaqsi leeyahay oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Booliska waxay sheegeen dharka ciidanka ee la qabtay iney isugu jiraan kuwa ciidamada qalbaka sida iyo kuwa booliska oo deegaanna kala duwan ka kooban.

Sidoo kale waxaa bakhaarkaasi lagu qabtay hub iyo qalab militari oo ka mamnuuc ah inuu shacab gacantii uu ku jiro.

Dharka ciidamada Booliska ee la qabtay waxaa ka mid ah dharka ay xidhaan booliska deegaanka Soomalida ee dalka Itoobiya sida sawirkaba ka muuqato.

Komishinka Boolisku magaalada Addis Ababa waxay intaasi ku dareen in sida oo kale bakhaarka laga in laga helay 1 bam gacmeed, hal bistoolad iyo rasaas ka badan 250.

Waxay booliska Addis Ababa gacanta ku soo dhageen 5 qof oo lala xiriiriyey hubka iyo dharka ciidan ee la helay iney ku lug leeyihiin.

“Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin” ayuu yiri Komishinka Booliska Addis Ababa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here