Wasiirka Caafimaadka: ‘‘Waxba kama ogi ilaa iyo hadda sababta loo xiray agaasimaha Maaliyadda‘‘!

Wasiirka Caafimaadka ee XF Somaliya, Fowsiya Abiikar Nuur

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ka hadashay xarig loo gaystay Agaasime ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Fowsiya oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegtay in Agaasimaha oo lagu Magacaabo Maxamuud Maxamed Buulle la xirey 4-tii Bishaan xilli habeen ah, isla markaana illaa iyo hadda aan lala wadaagin sababaha loo xirey.

Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xustay, iyada oo ah Wasiirka Caafimaadka in aysan war ka haynin sababaha loo xiray Agaasimahaasi.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin haddii ay yihiin Wasaaradda Caafimaadka Baaritaan in lagu sameeyo haddii ay jiraan tuhuno la xiriira Musuq.

Lama oga ilaa iyo hadda halka la geeyay Agaasimihii qaybta Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Ciidamo ka tirsan dowladda ay gurigiisa ka kaxeysteen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here