Garowe (Halqaran.com) – Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kulan kula qaatay guddiga gurmadka ee Gobolka ay Puntland u taqaano Gadafuu.
Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulankan warbixin uga dhegaystay guddiga gurmadka ee gobolka Gadafuu, oo Madaxweyne ku-xigeenka la wadaagay halka ay wax u marayaan iyo sida uu u socdo, Qorshaha loogu gurmanayo Gobolka Gardafuu oo ay saameyn xooggan ku yeesheen Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash ayaa bogaadiyay Shaqada socota iyo dadaalka loogu gurmanayo Gobolka Gardafuu.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com