Madaxweynihii hore Somaliya, Sheekh Shariif oo baaq u diray Madaxda DF Somaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Muqdisho (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dagaal beeleedyada dalka ku soo laa-laabtay.

Hoggaamiyaha ayaa Madaxda Qaranka ugu yeeray in ay qayb ka noqdaan dadaal kasta, oo lagu baajin karo dagaal beeleedyada, oo sida uu sheegay dalka ku soo noq-noqday.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa beelaha isku haya Degmada Wanlaweyn iyo duleedka Magaalada Kismaayo ugu baaqay in si sharuud la’aan ahi dagaalka ku joojiyan, isla-markaana ay ka wada hadlaan wixii tabasho ah ee jirta.

“Walaalaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamay deegaanada ka kala tirsan Maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed waxaan ugu baaqayaa inay colaadda shuruud la’aan ku joojiyaan, wax kaste oo tabasha ahna wada hadal iyo is qancin lagu dhameeyo.” Ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Odayaasha Dhaqanka ayuu ugu yeeray in ay ka shaqeeyan, sidii dagaaladaasi sokeeye loo joojin lahaa.

Sheekh Shariif ayaa wuxuu kaloo sheegay in ka Madasha Xisbiyada Qaran ahaan in ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyan maamuladaasi, sidii xal loogu heli lahaa dagaal beeleedyada.

“Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa madaxda, Odayaasha Dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed inay u istaaggaan, sidii dagaaladaas ahliga loo joojin lahaa. anagana waxaan diyaar ula nahay inaan ka qayb qaadano oo aan gacan ka siino nabadeynta dadka walaalaha ah bi’idnillaah.” Ayuu yiri Shariifka oo hadalkan ku sheegay war qoraala oo xafiiskiisa ka soo baxay.

Si kastaba, dagaaladan ayaa waxaa lagu dilay dad badan oo rayid ah, kuwaa oo aan qayb ka ahayn dagaalada, balse loo beegsaday maleeshiyo ku heyb ah oo hubka sidda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *