Duqa Muqdisho oo xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Shibis, Xabsigana dhigay! +(Sababta!)

Guddoomiyihii degmada Shibis, Cabdiraxmaan Sayid Cali /Sawir hore/

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Isniinta Maanta ah waxa uu xilkii guddoomiyenimo ka xayuubiyay guddoomiyihii degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali.

Wararka ay haleyso mareegta Halqaran.com ayaa sheegay, in xil ka qaadista guddoomiyihii degmada Shibis ay la xiriirto arrimo musuq-maasuq ah, isagoona lagu xiray xaruta CID-da, si wax looga waydiiyo arrimaha lagu soo eedeeyay.

Sababaha ugu weyn ee xilka looga qaadey guddoomiyihii degmada Shibis ayaa waxaa la sheegay inay tahay Cabasho ay Shacabka gudbiyeen, kadib markii maamulka uu ku soo rogay lacag lagu sheegay diiwaangelin taas oo saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada aad looga hadal hayey.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u xirtay Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimihii Waaxda maaliyadda ee Wasaaradda, iyaga oo lagu eedeeyey falal la xiriira musuq-maasuq.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here