Lix ka mid ah ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB oo maanta qarax miino lagu dilay

Afgooye (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in maanta qarax miino lagu dilay lix ka mid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Gaari ay la socdeen Xoogaga Danab ayaa qaraxa ku haleelay Deegaanka Muuri ee duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Inta la xaqiijiyay lix ka mida Ciidanka Danab ayaa qaraxaasi ku dhimatay, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in qaraxaasi uu duhurnimadii maanta burbur xoogan u gaystay gaari nooca ciidamada, oo Ciidanka Danab ay la socdeen.

Mintidiinta Ururka Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka qaraxa loo adeegsaday ayaa ku faanay inay ku dileen toddobo ka mid ah Xoogaga Danab.

Ilaa iyo hadda saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka wax war ah kama soo saarin weerarkan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa la tilmaamaa in ay maleeshiyada Al-Shabaab si weyn ugula dagaalameen Gobolka Shabellaha Hoose, deegaanno badana ay ka saareen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here