Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiye Ku-xigeenka cusub ee Hawlaha Guud Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cumar Cali Cabdi ayaa xilka kala wareegay guddoomiye ku xigeenkii hore Aadan Shiikh Cali Fiidow.
Munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Guddoomiye Ku xigeenka Hawlaha guud ayaa maalin ka hor waxaa magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, wuxuuna bedelay shaqsi in muddo ah Gobolka joogay.
Masuuliyiinta cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa waxaa haray oo kaliya guddoomiye Ku xigeenka cusub ee Maaliyadda Gobolka Banaadir inuu xilka la wareego.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com