DAAWO SAWIRRO: Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed oo si rasmi ah xilka loogu wareejiyay

0

Baydhabo (Halqaran.com) – Munaasabad Kooban oo xil wareejin ah ayaa ka dhacday Xarunta Baarlamanka Koonfur Galbeed halkaasi oo Xilka Guddoomiyaha loogu wareejinaayay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka koonfur Galbeed Dr. Ali siciid Fiqi waxana ku wareejinaayay Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka ahna Wasiiiru Dowlaha wasaradda Ganacsiga Dowladda Soomaaliya Mudane Abdikadir Sharif Sheekhuna Maye.

Waxaa goob-joog ahaa munaasabadda Xil wareejinta labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka koonfur Galbeed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka .

Munaasabada waxaa ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka K/Galbeed ahna wasiiru Dowlaha Ganacsiga Dowladda Soomaaliya Abdikadir Shariif Sheekhuna Maye, isagoona ka sheekeyay waxyabihii u qabsoomey Baarlamanka K/Galbeed, wuxuna ilahay uga bariyay in uu xilka la garab galo guddoonka Cusub ee Baarlamanka .

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed Dr Ali siciid Fiqi ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee xilka Loogu wareejiyay wuxuna sheegey in mar walba Abdikadir u bahan yahay waya aragnamadiisa iyo Aqoontiisa uusan ka maarmin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here