Faah-faahin iyo Sababtii macallinka Dugsiga Qur‘aanka loogu dilay degmada Afgooye

Degmada Afgooye

Afgooye (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in xalay kooxo hubaysan Magaaladaasi ay ku dileen Nin Macalin Dugsi Qur‘aan ahaa.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Bartamaha Magaalada Afgooye, kadib markii sida la sheegay dabley hubaysan oo Bistoolado watay ay beegsadeen macalinkaan.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo gaystay Macalinkaasi lagu dilay degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, balse Saraakiisha Ciidamada dowladda qaarkood ayaa bixiyay macluumaad sababta dilkaasi la xiriirta.

Macluumaadka ayaa sheegaya in Macalinka uu ka tirsanaan jiray Al-Shabaab, balse uu isaga baxay oo Dugsigan uu furtay, sidaasina ay maleeshiyada Al-Shabaab ku beegsadeen.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan dadka ka baxa ururkooda waxa ay ku beegsadaan magaalooyinka ay joogaan si aysan u bixin macluumaad ku aadan xogaha Ururka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here