Dagaal beeleed ka dhacay duleedka Dhuusamareeb & Wararkii ugu dambeeyay

Galgaduud  (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya, in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka maleeshiyo beeleedka ayaa ka dhacay deegaanka Qalaanqale oo dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii laba maleeshiyo oo dhul isku haysta ay wada dagaalameen.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay, balse waxaa magaalada Dhuusamareeb ka baxay Ciidamo badan oo Boolis ah si ay u kala dhex galaan beelaha halkaasi ku dagaalamay.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu halkaasi tago guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb Macalin Cismaan Geeda Qorow oo uu la hadlo maleeshiyaadka halkaasi ku dagaalamay.

Xiisada dagaalka ee ka dhex taagan maleeshiyaadkaan ayaa soo socotay maalmahan oo dhan, ugu dambeyna maanta ayey madaxa is-dareen.

Deegaanno ka mid ah Gobolka Mudug waxaa ka taagan xiisado u dhaxeeyo maleeshiyaad arrimo dhul isku haysta, iyadoo taasi ay sii dheer tahay maleeshiyada Al-Shabaab oo ku sugan deegaanno ka mid ah Gobolka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here