Wararkii ugu dambeeyay barakac mar kale ka billowday magaalada Beledweyne, kaddib markii…

0

Beledweyne (Halqaran.com) – Dadkii ugu badan ee ku nool Beledweyne ayaa Jimcihii maanta billaabay barakac, kadib markii wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada haba ugu badnaatee xaafadda Xaawa Taako.

Wararka ayaa sheegaya, in dadka barakacaya ay aadayaan dhinaca deegaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Beledweyne si la mid ah sidii sanadkii hore ay ku barakaceen.

Waxaa jirto cabsi xooggan oo ku aadan in guud ahaan Biyaha ay gaaraan Magaalada oo dhan.

Maamulka Gobolka Hiiraan kan Degmada Beledweyene iyo Ganactasada oo iskaashanaya ayaa maalmahaan waday howlo lagu carro-tuurayo goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo Wabiga, waxaana wali socdo daddaalo lagu xakameynayo .

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wafdi Wasiirro ah u dirtay magaalada Beledweyne, kuwaas oo qiimeyn ku sameeyay halka ugu haboon oo biyo xireen laga dhisi karo si looga baaqsado fatahaad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here