Soomaaliya ha loo duceeyo: Coronavirus, Fahamka Siyaasada iyo Dawladda Farmaajo 

Qormo (Halqaran.com) – Iyadoo runtii wadanka Soomaaliya ay ragaadiyeen cadowyo aad u badan sida gaajo; macaluul; dagaalo aan dhamaan iyo amni daro; xasilaad la’aan siyaasadeed; midnimo la’aan; musuq maasuq; cadaalad daro; dhaqaale xumo dad iyo dawladba; shaqo la’aan baahsan; abaaro; fatahaado iyo waliba masiibooyin dabiici ah, ayaa waxaa ku soo kordhay cadow cusub – Covid-19 oo runtii aad u xoog badan(powerful), taran badan(Pandemic) isla markaana aan la arki karin(Invisible). Cadowgan cusubi waa mid saf-mar ah oo aan cidna bixinayn: faqri, taajir, dumar, caduur, waayeel, madax, shacab, 4 , 0.5, isla markaana aan lahayn xuduud maamul goboleed iyo fadaraal midna. Waxaa muuqata in cadowgan cusubi uu keeni doono burbur dhaqaale aan la qiyaasi karin iyo waliba dhimasho xad dhaaf ah maadaama ay noo muuqato qasaaraha dhaqaale iyo dhimasho ee uu u gaystay wadamada horay u maray oo runtii ka dhisnaa dhinac walba sida dhaqaalaha, caafimaadka, isgaarsiinta iyo waliba adeega bulshada.

Waxaa jirta oraah oranaysa “Mararka qaar masiibada waxaan ka dhex helnaa noloshu waxay tahay;” Robert Brault “Sometime in tragedy we find our life’s purpose.” Shaqo la’aanta iyo burburka dhaqaale ee saameeyay aduunka waxay keenaysaa in labii ilood ee dhaqaale ee dalka imaan jiray ay yaraadeen sida lacagaha xawilaada iyo taageerada caalamka. Waxa kaliya ee looga badbaadi karo covid-19 waa in la helo midnimo guud iyo isku tashi. Ma laga yaabaa ama suurogal ma tahay in covid-19 uu mideeyo ummada soomaaliyeed?

SIYAASADA IYO FAHAMKA SIYAASADA 

In ta aanan eegin siyaasada iyo fahamka siyaasada soomaalida, bal aan wax yar dul istaago xaalada dalka soomaaliya. Hadii aad soo uruuriso xogta dalka soomaaliya, ama ha laga helo ilaha dalka gudihiisa ama waxa ay ka qoreen ama ka yiraahdeen dadka kale ee ka baxsan dalka, ururada madax banaan!, warbaahinta aduunka, goobaha cilmi baarista iyo aragtida guud ee caalamka waxaa ku soo baxaya muuqaal iyo jawi aan qurux badnayn muujinayana meesha aan ka taaganahay caalamka iyo rajo xumada joogtada ah ee daashatay shacab waynaha soomaalida.

Dalka waxaa ka jira awood la’aan dawladeed, nidaam la’aan, musuqmaasuq baahsan iyo ku takri fal awoodeed ha noqoto dawlada dhexe ama dowlad goboleedyada. Waxaa jira saboolnimo baahsan; dhaqaalaha loo baahan yahay in lagu fuliyo adeegyada bulshada ayadoo laga qiyaas qaadanayo wadamada dakhligoodu hooseeyo(Low-income countries) qiyaas ahaan waa inta u dhaxaysa $260 ila $360 qofkiiba(Per capita) si loo joogteeyo koboc dhaqaale. Miisaaniyada dawlada ee xaga horumarka (Development budget) marka lagu daro deeqaha lagu kabo miisaaniyada dawlada (Grants) iyo waliba lacagta xawilaadaha (Remittance) waxaa qofkiiba ku soo aadaya qiyaas ahaan $50. Waxaa dalku xambaarsan yahay daymo aad u culus oo runtii aysan suuro gal ahayn in dib loo bixiyo taasoo sababta inaan wax caawimo ah ama dayn ah laga heli karin IMF iyo World bank.

In kasta oo jiraan horumaro iyo isbadalo wanaagsan ee ka socda dalka guud ahaan, hadana ma aha kuwo leh mug wayn marka loo fiiriyo isbadalka loo baahan yahay in la helo qaran awood leh,

midnimo shacab iyo Soomaalinimo dhab ah, madax qaran iyo hogaamiyayaal, dastuur iyo doorashooyin xalaal ah.

Waxyaalaha keenay xasilooni darida siyaasadeed ee dalka ka jirta waxaa ugu wayn in qofkasta oo soomaali ah uu yahay siyaasi. In aad si buuxa u fahamto siyaasada iyo hanaanka siyaasada dalka uma baahnid inaad taqaano luuqado shisheeye iyo waliba afsoomali; uma baahnid inaad aqrisato wargayso kuwa dalka iyo kuwa caalamigaa; uma baahnid inaad daawato TV yada caalamka; uma baahnid inaad cilmi baaris samayso ama akhriso qoraalo si cilmiyaysan loo diyaariyay; uma baahnid inaad jaamacado ka baxdo ama wadato shahaadooyin sare. Siyaasada soomaliya waa wax yar oo kooban oo qof kasta si sahal ah u fahmi karo(qabiil, boob, cadaalad daro, 4.5, iwm)

Dagaalada ugu daran ee dadka iyo dalka ku socda waxaa ka mid ah in dhan walba ummada laga burburiyo: diin, dhaqan, dhaqaale, midnimo iyo waliba qaranino. Waxaa burburay tiirarkii iyo qaab dhismeedkii iyo xeerarkii bulshada. Waxaa baaba’ay oo la dabar gooyay halbeeg yadii, cabiraadii , miisaankii iyo qaababkii dhaqanka iyo soo jireenka ahaa ee bulshada loogu kala ifin jiray waxa xun iyo waxa san; masuuliyada iyo masuul darada; amaanada , dhaca iyo tuuganimada; wadaniyada iyo jaajuusnimada; aqoonta iyo aqoon darida; qabka iyo isbhiibka; qabiilka iyo qaranka; danta guud iyo mid shaqsi. Waxaanu gaarnay marxalad wax kastoo fiican uu noqon karo wax xun (soomaalinimadu noqotay riyo iyo dhalanteed) sidoo kalena wax kastoo xun laga dhigi karo wax fiican (dhiigyacab ka lagu abaalmariyo xurmo, xoolo iyo waliba madaxtinimo).

Siyaasi, MP, wasiir, diblumaasi, madaxwayne, raysulwasaare iyo madax sare waxay noqdeen shaqooyinka ugu sahlan ee dalka gudihiisa laga helI karo oo aan runtii wax sharuud ah ku xirnayn. Uma baahna aqoon, daacadnimo, khibrad iyo waayo aragnimo midna. Tani waa mida qura ee keentay in dhamaan soomalida gudaha iyo kuwa qurbuhuba ay wada raadiyaan xilalka sare ee dalka isla markaana siyaasadu noqoto mawduuca ugu badan ee laga wada hadlo isla markaana qofkasta uu ku yahay qabiir.

FARMAAJO IYO DAWLADIISA 

Isbadalka cusubi wuxuu sahay u yahay rajada shacabka taasoo runtii markhaati u ah sidii aan kala harka lahayn ee ummada soomaaliyeed u soo dhawaysay doorashadii Farmaajo iyo hadal haysyadii (Farmaajo ii geeya – nabad iyo nolol) hareeyay dhamaan baraha bulshada iyo warbaahinta. Dareen kaasi wuxuu ahaa runtii mid i saameeyay shaqsi ahaan. Waxaan qoray qoraal aan ku cabirayo dareenka shacabka(Farmaajo u geeya: Waa cusub; mise waddadii hore). Qoraalka nuxurkiisu wuxuu ahaa in Farmaajo haysto fursad dahabi ah oo uu kaga leexan karo wadooyinkii mugdiga ahaa iyo qaab dhaqan kii dawladihii ka horeeyay. Markii uu madaxwayne Farmaajo magacaabay raysalwasaare Khayre waxaa iyana muuqatay rajo cusub iyo isbadal cusub oo muujinaysa inuu ka leexday shaxdii hore ee wax lagu qaybin jiray iyo in reer qansax ama reer qurac kaliya heli karo jagada raysalwasaaraha. Markaa ka dib waxaan kaloo qoray qoraal aan ku muujinayo taageerada magacowga raysalwasaare Khayre(Khayre u geeya: Dad, dawlad iyo dal dhis). Muhiimada qoraalkan wuxuu ahaa dib u dhiska qaranimadii soomaaliyeed inay u baahan tahay marka hore in dad ka la dhiso ka dibna dawlad dabadeedna dalka. Magacaabidii golaha wasiirada khayre oo runtii aad u badnaa waxay igu abuurtay walwal aad u wayn iyo inay markiiba iftiinkii rajada ee ii muuqday uu noqday mid runtii damay. Waxaa markiiba iiga soo dhexmuuqday magacaabida golaha wasiirada: qabiil iyo 4.5 daran oo ka baaxad wayn dawladii ka horaysay; faragalin shisheeye(wasiirada qaar iyo la taliyayaasha raysalwasaaraha); xubno baarlamaan aad u badan(si dawlada iyo xukuumadu isugu milanto). Waxaan markaa kadib qoray qoraal(Dawlad xayndaab ku jirta iyo shacab xaldoon ah) aan ku muujinayo rajo-xumada muuqata iyo in isbadalkii la filayay in waddadii loo mari lahaa laga weecday.

Sadex sano iyo ka badan ee ay dhisnayd dawlada Farmaajo, bal aan isku dayo inaan cabirno, guulihii ay gaadhay iyo caqabadaha la soo gudboonaaday iyo meelaha ay ku guuldaray satay. Si aan isugu dayo inaan dhexdhexaad ka noqono waxaan rabaa inaan mid mid u dul istaago tiirarka ugu waawayn ee qorshaha horumarinta qaranka (National Development Plan).

HORUMARINTA DHAQAALAHA(Improving economic resilience) 

Waxaa muuqata in wasaarada maaliyada ay samaysay isbadal balaaran iyo horumar xaga dhaqaalaha. Waxaa isbadal wayn lagu sameeyay maaraynta, maamul usamaynta, dib u habaynta iyo samaynta sharciyo hore iyo kuwo cusub. Waxaa kordhay daqliga dhaqaalaha ee ka soo xarooda dalka gudihiisa(2017:$142,000,000; 2018:$184,000,000). Waxaa la filayaa dakhliga soo gala 2019 inuu noqon doono mid ka badan 2019(qiyaas ahaan $221,000,000). Waxay deeq bixiyayaasha, IMF iyo World Bank ay runtii ku qanceen in wadanka uu ka socdo isbadal(reform) maaraynta iyo maamulka dhaqaalaha dalka ayna diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan sidii wadan ka looga cafin lahaa daymihii lagu lahaa. Waxaa muuqda guulo badan iyo waxqabad ka muuqda wasaarada maaliyada oo dhinacyo badan laakiin wali waxaa jira musuq iyo ku takri fal dhaqaalaha dalka taasoo wali sababaysa in Soomaaliya ay tahay dalka ugu badan musuqa aduunka marka la eego warbixintii ugu dambaysay ee hayada la dagaalanka musmusqmaasuqa(Transparency International)

DIB U DHISKA HAYADAHA DALKA (Rebuilding National Institutions) 

Maadaama ay dalka ragaadiyeen dagaalo iyo colaado joogto ah oo runtii soo noqnoqnayay iyo amni daro baahsan, qorshaha ugu muhiimsan ee dawlada laga sugayay waxay ahayd tayaynta iyo dib u habaynta hayadaha amniga dalka. Waxaa jira ciidamo badan oo lagu tababaray dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Waxaa kaloo jira xarumo tabar ciidan oo dalka gudihiisa ka dhisan ayna kala maamulaan dawlado kala duwan oo runtii siyaasad ahaan kala fog mar marka qaar(Turkey, UAE, AMISOM, UK, USA). Waxaa jira ciidamo shiyeeye kala duwan ee dalka jooga oo qaarba meelo kala duwan laga hago lagana maamulo lehna dano kala duwan oo iska soo horjeeda. Intaas oo dhan waxay keeneen in wali amniga dalku gaar ahaan magaalo madaxda muqdisho uu wali aad u liito kalsooni badana aysan ku qabin shacab waynaha soomaaliyeed walina ay adag tahay in la helo ciidamo u tababaran hab qaran isla markaana u wacyi gashan hab qaran matali karana dhamaan ummada soomaaliyeed. Waxaa muuqata in hada dawladu isticmaalayso awood ciidan oo runtii aad uga tayo iyo tabar saraysa awoodihii dawladihii ka horeeyay, taasoo keentay in ay goobo badan ka qabsadeen kana xoreen Alshabab. Waxaa si doo kale muuqata in dawladu u isticmaaleen awood ciidan maamul u samaynta dawlad goboleedka galmudug taasoo sidoo kale muujinaysa awooda ciidan ee dawlada. Waxaa kale oo ayana jira in dawladu ciidamo gaysay goobo ka tirsan jubaland iyo xaduuda dalku la leeyahay Kenya. Waxaa marag ma doonta ah in awooda ciidan ee dawladu hada u muuqdo mid sii kordhaysa baqdin wayna ku abuurtay cid kasta oo isku dayaysa inay ka horyimaadeen qorshayaasha ay dawladu wadato. Dad badani waxay is waydiinayaan maxaa kulmiyay isticmaalaka awooda ciidan iyo isku soo aadka dhamaadka xiligii dawlada loo igmaday. Taasoo keeni karta fasiraad ah inaysan meesha ka maqnayn isu diyaarin ay dawladu rabto inay xukun ka mar kale dib ugu soo noqoto si xukun kororsi ah ama doorasho cusub.

Dawladu magac ahaan waa dawlad fadaraal ah. In Wasaaradaha iyo haydaha kale ee dawligaa shaqeeyaan waxay ku xiran tahay awooda dawlada dhexe, wada shaqaynta dawlad dhexe iyo dawlad goboleedyada iyo nidaamka iyo sharciyada awood qaybsiga. Sidaan ognahay ma jiro xiriir fiican iyo wada shaqayn ka dhexeeya dawlada dhexe iyo dowlad goboleedyada. Tani waxay abuurtay in

haydaha qaranku, ha noqdaan kuwa dawlada dhexe ama dowlad goboleedyada, ay ahaadaan kuwa tabar daran oo runtii u jira magac ahaan.

XASILNAAN SIYAASADEED (Political stabilisation) 

Dawlada Farmaajo waxay si fiican u fahamtay isticmaalka iyo adeegsiga aaladaha tiknolajiya cusub sida baraha bulshada(social media) iyo warbaahinta kale si ay bulshada u jiheeyaan oo kaliya u tusaan qorshahooda iyo waxqabad kooda ayagoo runtii ka faa’iidaysana rajadii iyo kalsoonidii ay shacab ka soomaaliyeed u qabeen in la helo isbadal iyo dawlad cusub. Waxay tani dawlada u sahashay inay shacabka ku qanciyaan bilowgii hore (Heyday) inay yihiin dawlad u taagan awoodna u leh isla markaana haysa qorshayaashii iyo aragtiyadii dib loogu soo celin lahaa qaranimadii dalka iyo midnimadii ummada soomaaliyeed, cid kasta oo aragtidooda diidana ay tahay qaran dumis. Waxaa xiliyadii dambe soo baxaysay in shacab badani runtii ay muujiyeen rajo yari iyo in in badan hadala dawladu ay noqonayeen dhawaq iska soo dabanoqonaya (Rhetrotic) oo aan xaqiiqdii ka turjumayn waxqabad kii iyo horumarkii laga filayay dawlada.

Dawlada waxaa lag sugayay in ay abuurto jawi dimuqraadiyeed(Democritization), matalaad siyaasadeed(Political representation), nidaam doorasho(Electroral system) iyo in la gaaro doorasho hal qof iyo hal(one person-one vote). Waxaa nasiib daro ah in ka badan sadex sano aan wali kalsooni lagu qabin in doorashadu waqtigeedii dhacayso. Waxaa kale oo wali la ogayn qaabka doorashadu u dhacayso. Suurto gal ma aha in dal uu helo xasilooni siyaasadeed isagoon lahayn dastuur dhamaystiran oo rasmi ah. Ummada soomaaliyeed waxay baahi wayn u qabeen in la saxo dastuurka kumeel gaarka ah kadibna afti loo qaado oo la ansixiyo si dalku uga baxo cakirnaanta siyaasadeed iyo khilaafka. Dastuurkii wali waa qabyo dawladii Farmaajana waqtigeedii waa gabogabo.

Waxaa muuqata in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ku dhex jiraan xayndaab(Fence) lagu wareegiyay biro adag iyo silig ka samaysan covid-19, saboolnimo, masiibooyin dabiici ah(Floods, locust), musuq, dawlad tabar yar, hogaan xumo, cadaalad daro, khilaaf aan dhamaan(dawlada dhexe iyo dawlad goboleedyada), dowlad goboleedyo ka kooban gacan ku rimis ah (galmugug, Koonfur galbeed), lacag ku rimis ah(Puntland), xoog ku rimis(Jubaland), mucaarad iyo ururo siyaasadeed tayo yar kana kooban kuwo horay loo soo tijaabshay laguna hungoobay iyo waliba faragalin shisheeye. Waxaa kuu baxaysa ciyaartii dhalaanku ciyaari jiray ee ahayd “XAGEE KA BAXAA MEEL ALLAH.”

Markaad ee eegto dagaalka cusub ee ka dhexmuuqda Farmaajo iyo Khayre iyo damacooda siyaasadeed. Markaad fiiriso faragalinta qaawan ee dawladaha deriska ah. Markaad rog rogto saaxada siyaasada galmudug oo u muuqata ishuwan ujeedo badan ah (pro and anti Khayre). Waxaa soo muuqana masrax dagaal siyaasadeed cusub oo runtii leh khatartiisa kaa soo runtii sii murgin doona xal u helida xaalada dalka oo markii horeba ku jirtay bohol dheer oo gaari waa ah. Ragada ilaahay lagama quusto, laakiin xalka kaliya ee ii muuqda waa “SOOMAALIYA HA LOO DUCEEYO.”

WQ: CabdiQani Cabdullahi Khaliif 

AFEEF: Aragtida qoraalkan kama tarjumeyso tan Halqaran.com, waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan. Halqaran.com, waa warbaahin madax-banaan una furan shacabka Soomaaliyeed. Fikirkaada ku soo dir: halqarannews@gmail.com . Mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *