Madaxweynaha Somaliland ‘Biixi’ oo sheegay inay CADOW u arkaa DF Soomaaliya!

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muusei Biixi Cabdi ayaa Isniinta maanta ah sheegay, in Somaliland ay cadow u aragto dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Mudane Biixi, ayaa xusay, in Somaliland aysan raali ka noqon doonin hadda kaddib, in gargaar loo soo marsiiyo Caasimadda Muqdisho.

Hadalkan ayuu ka sheegay, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sanad-guurada 18-May oo ku beegan waqtigii ay Somaliland ka go’day Soomaaliya, isla markaana ku dhawaaqday inay tahay dal ka madax-banaan.

”Cid walba oo gar-gaar Somaliland siineysa waan soo dhaweyneynaa balse marnaba aqbali mayno gargaar amaba dhaqaale noo soo maro Soomaaliya, cidda dooneysa iney wax nagu taageerto inaga si toos ah ha noo soo mariso,” ayuu yiri Biixi.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay, ”Xamar waxaanu u aragnaa cadaw, sababtoo ah waxa ay diidan tahay qaranimadeena”.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa carabka ku adkeeyay, in mar walba mowqofkooda yahay mid cad oo ay iyaga iyo Soomaaliya yihiin labo dal oo deris ah.

Shuruudda Cusub,

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka dhawaajiyay, in haddii la rabo in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland noqdaan kuwo dhab ah oo mira dhala, ay marka hore shardi tahay in sidii labo dowladood oo kale loo wada hadlo.

Mr. Biixi ayaa sheegay in aysan wada xaajood la geli doonin dowladda Soomaaliya, “inta mas’uuliyiinta Muqdisho joogta ay ugu yeerayaan Somaliland Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii daba-dhigay.

Wuxuu intaasi raaciyay, in wada hadalka labada dhinac ay tahay in laga heshiiyo ajanadaha laga wada hadlayo, isaga oo xusay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aaminsan yihiin in midnimo oo keliya laga wada hadli karo, halka Somaliland aaminsan tahay in kala go’ oo keliya laga wada hadlo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa soo jeediyay in haddii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay wada hadalka ku heshiin waayaan in la tago maxkamad caalami ah, si ay ukala saarto.

Si kastaba, Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhowr jeer hakad ku yimid dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

One thought on “Madaxweynaha Somaliland ‘Biixi’ oo sheegay inay CADOW u arkaa DF Soomaaliya!

  • May 19, 2020 at 18:34
    Permalink

    Ncaskaas,ayaa ka seexday. haduu mar hore Ciidan Buuhoodle geyn lahaa, Dameerkaas ma qaaqleeyeen. ciidanka uu u daabulayo Gedo oo nabad ah hadii uu woqooyi geeyo, xaq buu u leeyahay, un ka ayaan oran karin maxaad ciidan u geysey, waayo waa Gobolla Somaliya ah. maalin kasta in muse teneg qayliyo, waa xaan, waa horuu aamusi lahaa.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *