AKHRI: Jubbaland oo war xasaasi ka soo saartay maamulka DF Somaliya taabacsan ee laga dhisay Gedo

Kismaayo (Halqaran.com) – Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay falalka sharci darrada ah ee ay dawladda federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo.

War ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya falal Sharci darro ah ay ka waddo gobolka Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa iska diiday guddoomiyaha gobolka Gedo ee uu dhawaan magacaabay Wasiir ku xigeen Jubbaland ka tirsan oo taabacsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Waxay sheegtay Jubbaland in aysan aqoonsaneyn Falalka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka waddo gobolka Gedo.

Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *