Madaxweynihii hore Galmudug oo si weyn u soo dhaweeyay hadalkii RW Kheyre ee Doorashada dalka

Cadaado (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebooga uga hadlay hadal ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre kaasi oo ku addanna in doorashada Soomaaliya ay xukuumadda ka shaqeynayso inay waqtigeeda ku dhacdo ayaa arrinkaas si weyn u soo dhoweeyay isaga oo xukuumadda Kheyre ku booriyay howshaas.

Mr. Guuleed ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka ay waqtigeeda ku qabsoomto islamarkaana laga talagaliyo dhamaan saamileyda siyaasadda taas oo uu tilmaamay inay horseedi karto xasiloono siyaasadeed.

“Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Ra‘iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhammaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, ayaa intaas ku daray inuu ku adkeynaayo Khayre iyo xukuumaddiisa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aaddan arrinkan oo uu xusay inay hoseedi karto  dalka uu la jaan qaado nidaamka dimuquraadiyeynta.

“Waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka”.

Guuleed ayaa ugu dambeyn sheegay, in xukuumadda hadda jirta haddii ay ka dhabeyso arrinkaas inay ku heli doonto ammaan iyo bogaadin “Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin”.

Ilaa iyo hadda ma cadda nooca doorasho ee la filayo inay dalka Soomaaliya ka dhacdo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *