Maqaal- Doorashada 2020-21: Xal-Soomaali Xor iyo Xalaal ah 

Maqaal (Halqaran.com) – Dimuqraadiyada iyo doorashooyinku waxay soo jireen qarniyo badan. Waxay soo mareen marxalado iyo waqtiyo kala duwan. Dimuqraadiyadii ugu horeesay waxaa loo tiriyaa dalka gariiga(Eurocentric) qaas ahaan magaalada Athens qiyaastii 460 BCE. Taariikh yahanadu(Eurocentric) waxay sheegaan in baarlamaankii ugu horeeyay dunida laga hirgaliyay Iceland qarnigii sideedaad. Aragtida cusub, raadinta iyo samaynta dawlado baarlamaanteeriyan ah waxay waqtiyo isu dhaw ka wada bilaamatay wadama UK iyo Sweden abaarihii qarnigii 18aad.

Doorashooyinka aduunku waxay soo mareen xiliyo iyo waqtiyo kala duwan. In badan dadku xor uma ahayn inay wax doortaan ama doortaan qofkay rabaan. Waxaa wax lagu dooran jiray xiliyada qaar awooda ciidan, mid dhaqaale, magac, qabiil iyo qaraabo intaba. Isbadaladii aduunka ka dhacayay ha noqdaan kuwo dhaqaale, horumar, waxbarasho, ciidan, diin iyo isdhexgal bulsho waxay markasta si joogto ah saamayn iyo isbadal ugu lahaayeen awoodaha dawladaha xiligaas jiray iyo qaabka doorashooyinka. Wadanka Great Britain wuxuu ka mid yahay wadamada loo tiriyo inay horseed ka yihiin dawladnimada cusub, dimuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah. Inkastoo wadankani ay ka jireen dawlado tiro badan oo facwayn hadana dimuqraadiyad baahsan waxay bilaabatay 1918 (Representation of the People Act) taasoo u ogolaatay in raga ka wayn 21 iyo dumarka qaar ay codayn karaan doorashooyinka. 1928 ayay ahayd markii ugu horaysay ee la ogaaladay in raga iyo dhamaan dumarka jira 21 iyo wixii ka wayn ay codayn karaan.

Waxaa muhiim ah inaynu si qoto dheer u fahamno in isbadaladaasi ay yihiin kuwo qarniyo badan soo socday ilaa iyo hadana socda oo hadba waji , jiho iyo xagal cusub yeelanaya. Ninbaa waxaa laga sheegay “adigu ma u faruurnayd.” Anaga oo soomaali ah oo runtii fahamka dawladnimada iyo wadaniyaduba nagu cusub tahay(qarnigii 20aad dhex diisa), horayna u soo yeelan dawlado iyo nidaamyo suuban, kala dambayn sharci iyo matalaad shacab oo dhab ah, haatana leh dawlad dhexe oo tabar daran, dawlad goboleedyo aan iyagu isla socon dawlada dhexena la socon, inaynu qabano doorasho xor ah, xalaal ah isla markaana qof iyo cod ah waxay u muuqataa riyo maalin cad ah.

Sharciga Doorasha 2020 

Sharcigaan waxaa madaxwayne Farmaajo saxiixay 21-kii Febraayo 2020. Sharcigani runtii ma aha mid dhamaystiran oo waaqici ah isla markaana tilmaamaya dhamaan caqabadaha horyaal inay dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah. Dawlad goboleed yada dalka ka jira qaar ka mid ah waa diidan yihiin sharcigaan sidoo kalena lama oga dakhliga loo baahan yahay in la gu qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah. Waxaa kale oo Iyana jirta inaan la hayn dhaqaalihii doorashada isla markaasna aysan ku xusnayn miisaaniyada dawlada. Sharciga kuma cada qaabka xisbiyadu uga qayb galayaan doorasha, goobaha codaynta iyo iswaafajinta kuraasta, tiro codbixiyayaasha kursigiiba, gobolka banaadir, Somaliland, …, iwm. Halkaan ka aqriso warbixin hufan oo uu diyaariyay Heritage Institute(2020-ka Doorasho Qof iyo Cod Ah haddii la waayo: ) oo runtii ka hadlaysa in ay adag tahay ama aysan suuro gal ahayn in ay dhacdo doorosho 1Q1C marka la eego waqtiga haray oo aad u kooban iyo caqabadaha balaaran ee hortaagan oo ay adag tahay in laga gudbo.

Qaran iyo Qabiil 

Ilaa iyo bilowgii xoogagii wadaniyiinta, gobonimo doonka, dawladii rayid ka, iyo tii kacaan kaba qabiilka iyo dawladnimadu waxay ahaayeen mataano gacmaha ishaysta. Inkastoo uu qabiilku jiray, uuna ka mid ahaa xeeladihii uu gumaystuhu isticmaali jiray si uu u kala qaybiyo xoogaga wadaniyiinta iyo gobonimo doonka, hadana waxaa qariyay oo ka awood batay guuxii, dareenkii iyo rabitaankii ummada soomaaliyeed ay u qabtay inay hesho hal dal iyo hal dawlad soomaaliyeed.

Xoriyadii ka dib ayuu qabiilku noqday awood ay isticmaalaan siyaasiyiintii markaa jiray qaarkood si ay u sii haystaan awoodii siyaasadeed, dhaqaalihii, matalaadii iyo saamayntii ay ku dhex lahaayeen bulshada. Wuxuu qabiilku sidoo kale noqday barnaamijka siyaasada siyaasiyiinta cusubi ay ku soo galaan saaxada siyaasada iyo awood qaybsiga dawlada taasoo keentay qaybin iyo musuqmaasuq baahsan iyo waliba ku takri fal awooda dawlada iyo dhaqaalaha ummada. Shacab badan oo soomaaliyeed waxay markiiba arkeen dawladnimadii la sugayay iyo mida xiligaa jirtay inay ahaayeen wax aad u kala fog taasoo keentay hanjab wayn iyo in dawladii kacaanka ee talada dalka inqilaabtay in ay hesho shacbiyad badan iyo taageero. Markaa kadib waxaan gaarnay in erayga “qabiil” iyo “qaran” ay noqdaan isku micno (Synonymous).

Ilaa iyo carta iyo xakuumada hadda jirta ee Farmaajo waxaa sharci iyo saami aan wax ku qaybsano noo ah cududkii (qabiil iyo qabyaalad) na aafeeyay, burburiyayna qaranimadii iyo wada jirkeenii. Waxaanu fahmi waynay sidii aan u heli lahayn talaal aan cudurka uga badbaadin lahayn jiilalka cusub si ay u bartaan qaab dawladnimo cusub oo ku salaysan mabaadii, aragtiyo, wada lahaansho, karti iyo aqoon, inteena xanuunsana aynu u aqbalno inaan jiranahay oo aan raadino dawada cudurka ee ah dawladnimada. In kabadan 30 sano, waxaan haynaa wadooyin isku mid ah oo afka hore ka xiran isku melena ku dhamaada.

Inaad barato oo daraasadayso afkaaraha, xalalka, xalinta khilaafyada, isfahamka iyo horumarka ummadaha kale waa wax wanaagsan isla markaana waajib ah oo runtii kuu sahlaya inaad xal u hesho caqabadaha nololeed ee kusoo darsa ummad ahaan ee la midka ah kuwa horay loo soo xaliyay. Waxaa kale oo ayana muhiim ah in marar ka qaar aad maskaxdaada tuujiso oo aad raadiso inaad xaliso dhibka adiga kuu gaar ka ah ummad ahaan(Dhib soomaali kaliya haysata: Xal Soomaaliyeed). Xalku waa inuu noqdaa mid kaa saari kara dhibkii ku haystay ugu yaraan qaar, mid waaqici ah oo si sahlan loo fahmi karo, iyo mid aad adigu fulin karto oo aad uga kaaftoomaysid faragalin shisheeye.

Saami qaybsiga hada ina horyaal waa qabiil iyo 4.5. Inaad fahamto dhibta jirta waxay qayb ka tahay xalka. Waxaan in badan waqti ku dhuminay inaan soo minguurino oo soo amaahano erayo(jargon) ah sida hal-qof iyo hal-cod (one-person one-vote), doorasho xor iyo xalaal ah (free and fair election), saamiley siyaasadeed(political stakeholders) kana keeno luuqado, dadyow iyo bay’ado kale oo aan haba yaraatee munaasib ku ahayn wadciga iyo waqtiga aan joogno midna. Waxaynu hada u baahanahay caqli, talo, xal cusub iyo qorshe hufan si aan u helno talaalka fayraska qabyaalada. Talaalkaasi wuxuu ka koobnanyahay wanaaga isku dhafan ee ku dhexjira qabiilka ee ah waxa diinteena suuban ina farayso : inaan isku garano, caawino, cadaalad falno, isla markaana xumaanta isaga reebno. Talaalkani wuxuu qabiilka ka dilayaa fayraska qabyaalada.

Dimuqraadiyaynta Qabiilka(Clan democratization) 

Su,aasha is waydiinta leh waa side baynu qabiilka u dimuqraadiyayn karnaa? Marka laga hadlayo dhaqan ahaan, qabiiladu waxay leeyihiin xeerar iyo heshiisyo dhexdooda ah iyo xeerar iyo heshiisyo ka dhexeeya iyaga iyo qabiilada kale. Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa in loo sameeyo qabiilada habraac iyo nidaam isku mid ah oo ay ku qayb sadaan saamiga siyaasada, matalaada iyo awooda dawladnimo dhexdooda. Waxaa qabiilka qabyaalada xambaarsan laga dhigay toorabiin(binocular) aan wax kasta ku eegno, waxa kaliya ee ka qarsoona ay tahay qaranimo iyo dawlad.

Nidaamka Xulashada Ergooyinka iyo Murashixiinta : Demarchy Democracy 

Demarchy Democracy waa qaab doorasho dimuqraadiyeed runtii sahlan oo ku haboon dalka soomaaliya marka la eego wadciga iyo xaalada dadka iyo dalku ku sugan yahay. Erayga Demarchy waa labo eray oo la isku kabay. Democracy (Dimuqraadiyad) iyo Anarchy (Fowdo). Doorashada qaabkan ahi waxay sahlaysaa in qofkasta oo qabiilka ka mid ah rag iyo dumar ay si siman uga qayb

qaadan karaan saami qaybsiga siyaasada iyo awooda dawlada. Qof kasta oo qaangaar ah wuxuu xaq u yeelanayaa inuu is diiwaan galiyo ha noqdo ergada(electors) and Murashax barlamaan(candidate). Kadibna waxaa lagala soo dhexbaxayaa kaydka dadka diiwaan gashan(Pool of candidates) inta ergo/murashax ee loo baahan yahay si qori tuur ah(Random sample). Qaabkaani wuxuu ka madax banaanaanayaa musuq iyo laaluush, oday dhaqameed, dawlad goboleed, dawlad dhexe intaba, fargalin shisheeye iyo waliba khilaaf qabiilka dhexdiisa ah.

Diiwaan Galin (Registration) 

Dawlad goboleed kasta iyo degaankasta oo aan ka mid ahayn dawlad goboleedyada sida gobolka banaadir waxaa laga diiwaan galinayaa qof kasta oo Soomaali qaangaar ah oo xaq u leh inuu ka qaybqaato doorashooyinka dalka heer Fadaraal kuna nool degaankaas. Waxaa muhiim ah in qof kasta la diiwaan galinayo lana qoro qabiilkiisa maadaama kuraastu ay ku jaan go’an tahay qabiil. Tusaale ahaan Puntland waxay leedahay 40 kursi. Kuraasta waxaa laga yaabaa in loo qaybsado (L, A, M, D, W, O, …IWM). Kuraastu waxay yeelanayaan ergooyin isku mid ah (500/1000/2000 hadba intii dhaqaale iyo maarayn ahaan suurto gal ah). Qofkasta oo qabiilka ka mid ah wuxuu si siman oo jaanis is le’eg ah u helayaa in si baqtiyaa nasiib ah looga soo dhex xulo dhamaan dadka ka diiwaan gashan qabiilkaas. Tani waxay meesha ka saaraysaa khilaafka qabiilka dhexdiisa ah iyo kala badnaanta aan jirin ee la sheegto qabiilada dhexdooda. Tusaale ahaan hadii qabiil “A” uu leeyahay 6 kursi wuxuu helayaa 6 x 500 oo ergo. 3000-daa kun oo ergo waxaa laga soo dhex xulayaa dhamaan dadka ka diiwaan gashan qabiil “A” ee ku nool degaankaas.

Ergooyinka (Electors) 

Ergooyinka waxaa lagu soo xulayaa qaab baqtiyaa nasiib ah (Random sample) ayadoo furaha (Primary key) uu yahay qabiilka. Qof kasta oo diiwaan gashan oo maamul goboleedkaa ka mid ah maadaama uu ka tirsan yahay qabiilada degaanka wuxuu xaq u yeelanayaa inuu ka qayb qaato xulashada ergooyinka degaankaas. Xulashadani waxay keenaysaa in la helo dad badan oo kala duwan, wajiyo iyo dhiig cusub. Si aan marka uga gudubno mataalada qabiilka, waxaa haboon in la isku dhafo dhamaan ergooyinka ka imaanaya maamul goboleed kasta oo ay doortaan xubnaha aqalka hoose iyo kan sare ee ka imaanaya maamul goboleedkaas. Halkaa waxaa ka soo baxaya xubno xor ah oo ku yimid xulashada dadka degaanka oo leh matalaad shacab iyo mid degaan (constituency).

Murashixiinta Aqalka Hoose (Candidates) 

Waxaa loo samaynayaa sharuud lagu xulayo murashixiinta aqalka hoose sida aqoonta(dugsi sare/jaamacad), qarashka diiwaan galinta, .. iwm. Kursi kasta wuxuu yeelanayaa 5 murashax. Shantaa murashax waxay ka imaan karaan qofkasta oo ka mid ah qabiilkaa iska leh kursiga ee soo buuxiyay sharuudaha musharaxnimo. Diiwaan galin kadib, waxaa sidoo kale si baqtiyaa nasiib ah(Random sample) musharixiinta looga soo dhex xulanayaa dhamaan dadka diiwan gashan ee soo dalbaday inay u tartamaan xubinta baarlamaanka.

Murashixiinta Aqalka Sare (Candidates) 

Murashixiinta aqalka sare waxay ku soo baxayaan qaab la mid ah mid aqalka hoose (Random sample). Maadaama tiro ahaan ay yar tahay kuraasta aqalka sare, waxaa la samayn karaa in la isku Dhafo ergooyinka maamul goboleedyada iyo kuwa gobolka banaadir si loo helo doorasho guud(Federal) si ay markaas u doortaan xubnaha aqalka sare. Xubnahan markaa waxay noqonayaan

kuwo matala Soomaali oo dhan maadaama ay doorteen qayb ka mid ah shacabka guud oo isku jir ah. Halkaa waxaa ka soo baxaya xubno tayo leh oo meesha ku yimid matalaad shacab oo dhab ah.

Doorashada Madaxwaynaha 

Habka 1aad 

Labo qaaba waa loo dooran karaa. Kow in madaxwaynaha ay soo doortaan xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose. Tani wali waxay keeni kartaa in la bixiyo lacago laaluush ah oo lagu kala gadanayo xildhibaanada aqalka hoose iyo kuwa sare oo tiro ahaan ah 329.

Habka 2aad 

In ergooyinka maamul-goboleedyada laga soo xulo kiiba 329 ergo ka dibna lagu daro xildhibaanada. Markaa waxaa madaxwaynaha dooraranaya 2303 xubnood.

Goobaha Doorashooyinka (Voting Centres) 

Maamul goboleed kasta waxaa laga samaynayaa dhowr goob-doorasho sida ku xusan warbixinta Heritage Institute ee doorasha 2020. Doorasha xubnaha aqalka sare waxay ka dhici kartaa magaalo- madaxda maadama ay dooranayaan ergooyin isku dhafa oo ka kala yimid dhamaan maamulada dalka. Waxaa Iyana haboon in maamul-goboleed kasta uu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee ka soo jeeda maamul-goboleed kale. Tani waxay keenaysaa isdhexgal iyo isbarasho baaxad leh ee dhex marta xubnaha aqalka hoose iyo shacabka soomaaliyeed ee kale ee aysan si toos ah u matalin.

Doorasha noocan ah uma baahna dhaqaale badan, waqti badan, Biometric, qalab iyo tiknoologiyad qaali ah (basic data base with simple software app that runs few queries/instruction on collected data). Doorashadaan waxaa lagu qaban karaa waqti yar oo kooban bilow ilaa dhamaad. Qaab doorasheedkani waa mid qadiim ah oo bilowday qarniyo ka hor(Athenians) isla markaana hada laga isticmaalo dawlado badan iyo meelo badan aduunkaan casrigaa. Wuxuu meesha si sahlan uga saarayaa in dad yar oo kooban ay afduubaan awooda dawlada iyo maamulka.

Faa’iidada qaabka doorashadaan 

➢ Qaybqaadasho baahsan (Wider participation) ➢ Xor iyo xalaal (Free and fair) ➢ Musuq maasuq la’aan (Zero corruption) ➢ Dhaqaale iyo waqti kooban (Minimal cost with quick turn-around) ➢ Matalaad dhab ah (Local, regional and national representation) ➢ Isbadal dhab ah iyo kalsooni (Real change and trust in selection/election process) ➢ Faragalin la’aan (Free interference from clan chiefs, national and local governments, and

outsiders, corrupt politicians and international community)

Aragtidan waxay ahayd mid aan qabay 2013 oo runtii aan u arkayay inay tahay qaabka ugu sahlan uguna macquushan ee doorasho dalka looga samayn karo. Waxay qayb ka ahayd fikrado badan iyo talooyin wax ku ool ah kuna saabsanaa wacyi galinta, hanuuninta iyo isdhexgalka bulshada soomaaliyeed oo aan ururiyay lana qayb saday madaxdii dalka ugu saraysay qaar ka mid ah xiligii Xassan Sh Maxamuud. Todobo sano ka dib wali waxaan taaganahay meeshii. Wali waxaan is waydiinaynaa su’aalo isku mid ah.

Doorashada noocaan ah waxay abuuraysaa kalsooni shacab iyo in loo siman yahay nidaamka. Waxay kaloo meesha ka saaraysa kooxaha yar ee qabiilku u afduubnaa ee ku fushada danahooda. Waxay tani sidoo kale fududaynaysaa in la helo dad fikir wadaag ah, isku mabda ah iyo doorasho qaran.

XALKU DHEXDEENUU YAALE AAN MASKAXDA KA XOROWNO!

W/D: C/QANI C/HI KHALIIF 

@ HalQaran.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *