Garowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr.45 ku magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad
Marku arkay: Aqoonteeda, kartideeda iyo Waayo-aragnimadeeda shaqo
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Hodon Siciid Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Cayaaraha
*Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
* Wasiir Hodan Siciid Xasan ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilka wasiirnimo ee loo magacaabay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa 13-Agoosto 2019-kii, Hodon Saciid Xasan u magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimoquraaddiyaynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, iyadoo ay xilkaasi haysay in ka badan 9 bilood, ka hor inta aan maanta loo magacaabin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com