Maqaal: Soomaalidii hore Ragga Shan Nooc Bay U Qaybin Jireen!

Afeef: Qoraalkaan Qaybiil gaar ah ka hadli mayo laakiin si guud buu wuxuu uga hadlayaa Soomaalidii hore siday ninka ragga ah qiimayn jireen iyo inta nooc ay u qaybin jireen.

Afeeftaas kas dib, haddii aad u fiirsato xaaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay iyo raggii talada so qabtay tan iyo bur-burkii dawladdii dhexe, waxaad  arkaysaa in xukunka dalka ay isu bed-beddalayeen rag sina aan u mudnayn inay wax hoggaamiyan, sabahan awgood: waddaniyad xumo, aqoon xumo, waaya aragnimo la’aan, aqoon dawladnimo la’aan, shisheeye u adeeg, danatiisa gaarka ah u daneeye, bililiqo iyo boob hanti guud, diin nacayb, iwm.

Anigoo la yaaban dadnimo xumada dadka talada waddanka isku haysta baan maalin waxaan dhagaystay nin abwaan Somaaliyeed ah oo ka hadlaya inta nooc ee berigii hore ragga loo qaybin jiray. Wuxuu yiri ragga waxaa loo qaybin jiray 5 nooc.

  1. Nin waa talin jiray.
  2. Ninna wuu la tashan jiray oo wixii la yeeli lahaa buu kala tashan jiray.
  3. Ninna waa lagu tashan jiray inuu raaco taladii la guddoomiyo.
  4. Ninna waa loo talin jiray oo wixii la go’aamiyo uun baa loo sheegi jiray oo waxaa la oran jiray sidaa iyo sidaa ba la yeelayaa ee diyaar garow.
  5. Ninna waa laga tashan jiray waayo isagu colaad iyo nabad, wanaag iyo xumaan midna wax kuma lahaan jirin, sidaa awgeed talada lagama qayb galin jirin.

Garaadku waa shay ilaah uunka qofba in ka siiyoo oo galiyo laakiin dadka qaarki waxaad mooddaa inaysan ab iyo isir u lahayn oo yihiin dad garad iyo garasho xun, dhaqan xun, deris xun, xurmo xun, ama xidid xun.

Soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa ninmaan talin jirin haddii uu taliyo nimaan tagi jirin baa taga. Bal aan is waydiino imisa qof oo Soomaali ah baa dhulkoodii hooyo ka qaxay ka dib markii taladii waddanka ay gacanta u gashay mooryaan xalaalaystay dhiiggii iyo hantidii dadwaynaha oo dadka xoolahooda bililiqaysanaya; sharci, nidaam dawaladnimo, kala dambayna aan rabin, canshuur inay bixiyaan oggolayn, haddana laga yaabo inay ku dar-daraan si ay safka hore salaadda ugu tukadaan.

Sidaas oo ay tahayna marar badan oo ay soo martay fursad ay ku hanan kareen hoggaaminta waddanka ay ku fashilmeen inay si wanaagsan wax u maamulaan. Iska daa inay wanaag sameeyaane, waxay sii wadeen bililiqadii iyo colaad hurintii bulshada dhexdeeda. Balaayo waa in taladu gacanta u gasho dad aan talin karin oo dawladnimo iyo maamul waxba ka garanayn isla markaana aan oggolayn in loo taliyo, si loo samatabixiyo dadka iyo dalka.  Dad xunka noocaan ah oo xaaraanta, xaqdarrada  iyo bililiqada ku taajiray, dhallinyardii waddankana baday tahriib ay in badan ku dhinteen, aas iyo asturna helin, ayaa waddankii laga maamuli la’ yahay.

Maanso Soomaaliyeed baa waxay leedahay “Laba aan gudboonaan karayn gole markay joogto ged-geddoonka waayuhu muxuu goob isugu keenay

Kii talin jiray iyo kii laga tashan jiray baa maanta taldii waddanka isku haysta. Mararka qaarkoodna kii laga tashan jiray baa taliya. Hoggaan xumada noocaas ah meel cidla bay Soomaaliya dhigta. Nimaan talada goyn jirin markii talada loo dhiibo mid xilkiisii masuul gabayna guurti iyo xildhibaan loogu yeero, gegi cidla ah inaanu naal sow garteen ma aha.

Hoggaan xumaadii waxay na dhaxalsiisay inaan daba dhilif u noqono Imaart iyo Kenya, iyo in reer walba kii ugu dhiigya cabsanaa oo bur-burka dalka kaalinta ugu wayn ka qaatay uu talada reerka gacanta ku qabto ka dibna loogu yeero halgamaa, mujaahid, iyo geesi.

Reer walbana ninkii gobannimo iyo waddaninimo lagu arko, gardarrada, xaqdarrada iyo xumaantana diida waxaa lagu eedeeyay inu yahay haraadigii dawladdii Siyad Barre, tolkana uusan dan u ahayn. Dadkii wanaagsanaa oo noocaas waxaa laga dhigay mid la dilo, mid qaxooti ku noqday dhul shisheeye, mid taliskii Tigreega loo geeyo, mid hay’adaha sirdoonka dalal shisheeye laga gado, iyo mid meel uu ku dambeeyay la aan la garanayn, raad iyo raqna aan laga hayn.

Gabay uu Nageeye Khalif Cali tiriyay baa waxaa ka mid ahaa:

  • Rag gumaysi habay baa bulshadan hoos u gowracay e. …
  • Gobanimo ha joogto iyo xornimo gobollo sheegtaane. …
  • Gefka iyo xumaha soo socdaa taa guda wayne. …

Ayaan darradu waxay tahay in qaar ka mid ah raggii talada dalku gacanta u gashay (sida Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, ina Cabdirahsid, ina CabdiShakur, Shariif Sakiin, Sanbalooshe, Axmed Madoobe,iyo Siciid Deni, Muse Biixi, iwm) oo baddii, dekadihii, iyo garoomadii waddanka gacanta u galiyay Imaaraat iyo Kenyan  ay wali samri la’ yihiin oo u sii hanqal taagayaan inay dib xukunka u qabtaan si ay khayraadka dalka u xadaan ama shisheeye gacanta ugu galiyaan.

Kuwii ku baraaray hantidii xaaraanta ahayd, xukunkii markuu gacant u soo galay ayay waxay laaluusheen bareen oday dhaqameedyadii, iyo caamadii si ay isu daahiriyaan oo u muujiyaan waddaninimo.

Intii garashada lahayd ama waddaniyadda lahaydna irrid walba oo ay ka soo gali kareen talada waddanka waxaa jid gooyo dhigtay xaraan ku naaxe hubaysan oo aan biyo u kabanayn inuu dhiig daadiyo si uu u gaaro danihiisa ganacsi ama siyaasadeed.

Intaan Qabiil iyo dan gaar ah difaacayno, cadawgeenuna oo isku duuban yahay oo na kala dillaalaayo, ma gaari karayno danteena, dalkeenu baylah weeye, dhallinteenuna badday ku dhiman.

Ugu dambayn, bal inaynu talo xunnahay, sidee u dhici kartaa in ay Soomaaliya iska diiwaan galiyaan in ku dhow 80 xisbi siyaasadeed. Dunida hormartay waxa ka jira 2 ama 3 xisibi oo mabda’a’ ku kala duwan laakiin aan ku kala duwanayn danaha danta u ah dalkooda iyo dadkooda. Dunida horumartay waxay doortaan qofkay u arkayaan inuu ka shaqaynayo danaha degaankooda. Tusaale ahaan, Ilhaan Cumar waa gabar asalkeedu yahay Soomaali laakiin baarlamaanka Maraykanka ku matasha dad aysan wadaagin isir, diir iyo diin toona. Dadaalka ay ku bixiso ka shaqaynta danaha degaankeeda ayaa lagu doortay. Soomaaliduna ma gaari doonto horumar la taaban karo ilaa ay ka gudubto Xisbiyada qabiilka ku dhisan iyo magaalooyinka halka qabiil deggan yahay. Waa in Dhuusamareeb uu ka talin karo qof Baydhaba ka soo jeeda.

Allow naga bad-baadi kuwa cadawga Soomaaliya u adeega oo aan ka shaqaynayn wanaagga, horumarka iyo midnimada Soomaaliya.

W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan kama tarjumeyso tan Halqaran.com, waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan. Halqaran.com, waa warbaahin madax-banaan una furan shacabka Soomaaliyeed. Fikirkaada ku soo dir: halqarannews@gmail.com . Mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *