UPDATE: Wasaaradda Caafimaadka oo diiwaan-gelisay Kiisas cusub oo Covid-19 ah

0

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxay xaqiijisay in dalka oo idil laga diiwaan-geliyay 48 xaaladood oo cusub, 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Wasaaraddu waxaa ay 19 xaaladood ka diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, Somaliland 17, Puntland 8, Galmudug 2 iyo iyo Hirshabelle oo laga xaqiijiyay 2 xaaladood.

Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay bukaanada cusub in 34 ka mida ay rag yihiin, 14-na ay haween yihiin.

Warbixinta ayaa waxaa ku cad in 19 bukaan ay ka bogsadeen xanuunka, taa oo tirada guud ee xanuunka ka bogsatay ka dhigeysa 489 qof, dalka oo dhan.

Sidoo kale, warbixintan ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay uu hal bukaan xanuunka ugu geeriyooday dalka. Bukaanada xanuunka u geeriyooday ayaa waxay tiradoodu gaartay 85 qof.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa tirada guud ee xanuunka ka diiwaan-gelisay dalka waxaa ay gaareysaa 2,416 qof, waxaana haataan la ildaran 1,842 bukaan.

Ugu dambeyn, tani ayaa muujineysa sida xanuunka uu maalinba maalinta ka dambeysaa ugu sii fidaayo dalka, taasoo loo sababeeyo bulshada oo aan weli ku baraarugsanayn halista xanuunsidaha COVID-19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here