Janaale (Halqaran.com) – Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa qiray in dad shacab ah ay ku dhinteen iska hor-imaad dhex-maray ciidankooda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.
War qoraal ah oo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in 8-dii June ay dagaalyahanada Al-Shabaab soo weerareen waddo agabka loo mariyo ciidanka Amisom oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Janaale, kadibna iska hor-imaad ka dhashay jawaabtii ay bixiyeen ciidamada Amisom ay ku dhinteen dad shacab ah.
“Nasiib darro, saddex haween ah ayaa lagu dilay iska hor-imaadka waxaana lagu dhaawacay laba kale, oo hadda lagu daweynayo isbitalka Amisom. Waxaa raali-gelin iyo tacsi u direynaa ehellada kuwa dhintay, waxaana kasoo kabasho deg-deg ah u rajeeneynaa kuwa dhaawaca ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AMISOM.
Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadka dhintay, wuxuuna ballan-qaaday inay sare u qaadi doonaan sugidda amniga si loo xaqiijiyo bad-baadinta shacabka.
Ugu dambeyn, dagaalada dhexmara Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ka dhasha Khasaare kala duwan oo soo gaara dadka shacabka ah ee ka madax banaan dagaalada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com