AKHRISO: Jubbaland oo jawaab deg-deg ah ka bixisay go’aankii ay Villa Somaliya ku aqoonsatay

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sharci darro ku tilmaamtay qoraalkii DF Soomaaliya kasoo baxay ee lagu sheegay inay Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland, muddo xileedkiisana uu yahay laba sano.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa lagu xusay, in uu yahay mid kasoo horjeeda Dastuurka dalka, islamarkaana Jubbaland aysan aqbali doonin.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa sheegtay in muddo xileedka Madaxweynaha Jubbaland uu yahay muddo 4 Sano ah, islamarkaana uu dhammeysan doona, sida ku xusan dastuurka Jubbaland.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxay taageero u muujisay Aqalka Sare dadaalka ay ku jiraan doorashada Soomaaliya in waqtigeedii ay ku dhacdo, waxaana sidoo kale ay taageertay Guddigii dhawaan loo Magacaabay dhex-dhexaadinta maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Halka hoose ka akhriso war-saxaafadeedka Jubbaland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here