Maqaal: Shirka Jabuuti uga socda Soomaalida Xal waara ma lagu gaari Karaa?

Maqaal (Halqaran.com) – Dad badan waxay aaminsan yihiin in shirkaan intii muddo ah laga soo shaqaynayay uuna hormuud u yahay Maraykanku. Labada dhinacba waxaa lagu cadaadiyay inay xal waara ka gaaraan khilaafka iyo sababihii dhaliyayba iyadoo la ilaalinayo midnimada Somalia. Ujeedada ugu wayn ee Maraykanku u riixayo shirkaan waa si uu u ilaashado danaha shirkadaha Maraykana ee saliidda baara si ay u soo saaraan saliidda iyo macdanta Soomaaliya si Maraykanku uga maarmo saliidda bariga dhexe ee colaadda badan, iyo inuu ilaashado danihiisa siyaasadeed, istraatijiyo ee bariga afrika.

Dhaqanka siyaasadda Farmajo

Siyaasadda iyo dhaqanka Farmajo waa mid qun yar socod ah oo dhibta dadka dhaqankooda siyaasadeed uu ku dhisan yahay go’aan qaadasho deg-deg ah.

Waxa la yiri Gorayadu markay Libaax argato oo xoogaa ay ka cararto bay istaagto oo dib u fiirisaa bal in Libaaxii wali soo daba ordayo iyo in kale. Markay aragto in Libaaxii wali soo ordayo bay madaxa ciidda gashataa si ay isaga dhigto inaysanba arag Libaaxa ku soo ordaya oo raba inuu cuno. Orodkeedii iyo itaalkeedii baa intaas noqday, halkaas bayna ku naf waydaa.

Taa waxaa ka dhigan laba wax oo Farmaajo waqti dheer u haystay inuu xalliyo ama mowqif cad ka qaato.

Jirtaanka Somaliland waxay ku xiran tahay caaradda qalinka Farmajo

Arrinta kowaad waa qadiyada gooni istaaga waqoyiga Somaaliya. Arrintan ma ahayn arrin loo baahnaa inuu waan-waan ka galo hadda oo maamulkiisa lix bilood u dhiman tahay.

Xataa uu waqti badan haysan lahaa ma ahay arrin u baahnayd inuu ka galo waan-waan iyo wada waayo maamulka Hargaysa wuxuu ku dhaggan yahay Waqooyiga Soomaaliya laga gooyo Soomaaliya.

Taasna ma aha wax uu aqbali madaxwayne Soomaaliyeed.

Haddaba si uu Farmajo uga maarmo wada hadal uu la galo Somaliland waxay ahayd inuu maamul u sameeyo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn. Haddii uu gobolladaas maamul u samayn lahaa uma baahdeen inu la hadlo Muse Biixi, jiritaanka Somaliland iyo rabitaankooda ah inay ka-go’aan Soomaaliyana halkaas buu ku baa-bi’ lahaa.

Sidoo kale waxaa soo afjarmi lahaa oo xal loo heli lahaa damaca iyo caqabadaha Puntland ku hayso dawladda dhexe.

Adkaysiga Axmed Madobe iyo is bedelka Farmajo

Arrinta labaad waxa weeye qadiyadda Jubaland. Aqoonsiga ku meel gaarka ah ee dawaladda dhexe aqoonsatay Jubaland ma ahayn mid iyada ka soo fulay, mana ahayn mid waqtigii uu munaasabka ku ahaa lagu dhawaaqay, mana ahayn mid wax xal ah soo kordhiyay, mana ahayn mid uu aqbalay ama uu ku soo dabcay Axmed Madoobe.

Sida ugu haboonayd ee la rabay in Axmed Madobe loola xisaabtamo waxay ahayd in wixii dhul ah oo dawladu kala wareegi karto gobollada Gedo, Jubada Dhexe, iyo Jubada Hoose  ay la wareegto, ka dibna oday dhaqameedyada sharciga ah ee gobolladaas ay soo xulaan xildhibaano mathala Jubaland, ka dibna sidaas maamul loogu  dhiso.

Cadaadiska beesha caalamka

Waxay iila muuqataa in cadaadis badan oo Farmaajo uga yimid beesha caalamka oo ay dabada ka riixayaan Imaarat iyo inta la xulafo ah iyo safiirka maryakanka u fadhiya Soomaaliya uu ku khasbay Farmaajo inuu madaxa ciidda gashado ka dib markii uu ku dhiirran waayay inuu maamul u sameeyo Sool, Sanaag, iyo Cayn. Sidoo kalana uu ku fashilmay in Jubaland laga sameeyo doorasho u dhacda si sharciga waafaqsan.

Khibradda kooxda Farmajo iyo tan Muse Biixi

Tan kale, kooxda uu Farmajo wato waa koox dhallinyaro ah oo  aan khibrad badan u lahayn siyaasadda, tariikhda, iyo colaadaha beelaha Soomaalida. Kooxda Muse Biixina waxaa ku jira koox ruug caddaa ah, sida Edna iyo Saleban Gaal oo ah labo lagu yaqaan midnimo nacayb iyo madax adayg. Kooxda Hargaysa waxay isku dayi doonaan in marka hore maamulka hawada loo soo celiyo, deeqaha caalamkana toos iyaga loogu soo diro, mag dhow dhaqaale la siiyo, lana aqoonsado in Waqooyigu ahaa dawlad xor ah markii Koonfurta iyo Waqooyigu isku darsameen, 1960-kii.

Sugidda midnimada Somalia

Madaxwaynihii ama qofkii raalli ka noqda kala goynta Soomaaliya wax xal sooma kordhin doono oo dagaal beeleedyo aan dhamaan buu horseedi doonaa, baal madowna wuu ka gali doonaa taariikhda Soomaaliya.

Si ay noqotaba, madaxwayne Farmajo isagay u taal baalka uu rabo inuu ka galo taariikhda Soomaaliya.

W/Q: Axmed Bashir
Email: bashir1631@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan kama tarjumeyso tan Halqaran.com, waxay u gaar tahay magaca ku saxiixan. Halqaran.com, waa warbaahin madax-banaan una furan shacabka Soomaaliyeed. Fikirkaada ku soo dir: halqarannews@gmail.com . Mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *