Madaxweynaha Puntland ‘Deni‘ oo tababar u soo xiray ciidamo badan, farriina u diray Somaliland +(SAWIRRO)

Qardho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xerada ciidanka Xorgoble ee Degmada Qardho tababar ugu soo xiray dufcaddii 2-aad ee dhammaysata tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland.

Ciidankan tababarku u soo xirmay maanta ayaa ka kalayimi dugsiyada Xorgoble, Badhan iyo Xerada 54-aad ee Taliska Ciidanka Daraawiishta. Ciidanka maanta tababarku u xidhmay ayaa soo bandhigay xirfado xeeldheer oo ay barteen mudadii uu u socdey tababarku.

Saciid Deni oo la dardaarmay ciidanka maanta tababarku u soo xirmay ayaa sheegay in dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba uu farayo Dowladda ilaalinta sharafta shacabka.

Waxa uu xusay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya isku koobtay Dhaqaalaha Beesha caalamku ku bixiyo dib u dhiska diidamada Soomaaliya iyo sugidda Amniga.

“Sida Dastuurka Puntland iyo kan Soomaaliyaba farayo Dowladda waajibaadka laga rabo waa ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqadaasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa Xukuumadda ka go’an in ahmiyadda koowaad, labaad iyo Saddexaadba la siiyo dhismaha ciidamada kor u qaadidda noloshooda, dhammaystirka agabkii ay ku shaqayn lahaayeen, si ay u noqdaan dad waajibkooda gaadha”.

“Waxaa nasiibdarro ah iyadoo adduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen Amniga, iyo dhismaha ciidanka in wixii ay ka mudnaayeen Puntland inaysan ka helin DF Somaliya, taas waxaan rajaynayaa in caalamku garto. Masuuliyiinta Dowladda Federaal ka ah hanti ay hayaan loogu dudimaayo, balse waa inaysan caqabad ku noqon waxa beesha caalamka laga helayo, waxaan rajaynayaa in caqligu uu taliyo, duruuf walbaa deegaannada kale waa ka jirtaa, hadana cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidankana meelwalba waa looga baahan yahay, waxaase Alle mahaddiis ah Puntland oo 21 sano jirtey oo masuuliyiintii kala dambeysey ee soomaray ay garteen ahmiyadda ciidamadu leeyihiin”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku amray ciidamada inay u diyaar garoobaan difaaca xuduudaha Puntland, fariin adagna u diray Somaliland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *