Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Somaliya oo Ansixiyay xeerka qoondada Haweenka +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa galabta maanta ah ansixiyay xeerka qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon (30%), kadib laba maalmood oo ay ka doodayeen.

Xeerka qoondada haweenka ah ee la ansixiyay ayaa oranaya afar iyo labaatan (24%) kuraasta haweenka waa kuwo ay haween oo keliya ku tartami karaan, halka lixda kalana ay kula tartami doonaan ragga.

Xeerkan la ansixiyay ayaa waxaa Guddoonka Golaha Shacabka u soo gudbiyay Guddiga Wadajirka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ee dhammeystirka Xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Doodda adag ee laga yeeshay meel marinta xeerkan ayaa waxay dumarka Golaha Shacabka ka tirsan ay intooda badan ugu ololeynayeen inaanay cidina kula tartamin kuraastii ay ku fadhiyeen afartii sano ee la soo dhaafay.

Xildhibaanada oo codka u qaaday xeerka qoondada haweenka ayaa waxaa haa ugu codeeyay 134 Xildhibaan, waxaa diiday 10, waxaana isaga aamusay 2.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay natiijada codka loo qaaday xeerka qoondada haweenka.

“Waxaa ogol ugu codeeyay 134, waxaa diiday 10, waxaa aamusay 2.” Ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Xeerkan ayaa waxaa lagu wadaa in loo gudbiyo Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidaasi si lamid ahna waxaa la fillaya inay iyaguna kalsoonidooda siiyaan.

Ugu dambeyn,xeerka qoondada haweenka ayaa ka mid ahaa sharciyadii murunka uu ka taagnaa ee la xiriira arrimaha Doorashooyinka Qaranka, inkastoo uu caalamka ku cadaadinayay Madaxda Qaranka in qoondada dumarku tahay mid lama taabtaan ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *