DHAGEYSO: Aadan Barre Ducaale oo xilkii uu ka hayay Kenya laga qaaday (Muxuuse ka yiri?)

Nairobi (Halqaran.com) – Aadan Barre Ducaale ayaa Isniinta maanta ah laga qaaday xilka hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka dalka Kenya.

Xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo tan iyo doorashooyinkii 2013-kii ahaa hoggaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka Kenya ayaa markale wajahay huban la’aan xilkiisa ah.

Bilowgii bishan ayey aheyd markii uu Aaden Barre ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda looga qaado, kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha hoggaanka u ah xisbigaasi ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.

Amos Kimunya, ayaa xilka Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka loo doortay, halka Aadan Keynaan Xoghayaha Guud ee isbaheysiga talada haya oo ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Isbedelada ku socda isbaheysiga talada haya ee Kenya ayaa yimid, markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta kala tageen isaga iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa William Ruto, iyadoo Uhuru Kenyatta uu haatan isbaheysi la sameystay Raila Odinga.

Si kastaba, waxaa la filayaa in Uhuru Kenyatta uu noqdo Ra’iisul Wasaare awood badan, halka Raila Odinga noqon doono Madaxweyne, waxaana socota olole dastuurka dalka Kenya wax looga beddelayo.

Halka hoose ka dhageyso Wareysi ay BBC-da la yeelatay marka xilka laga xayuubiyay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *