Nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay magaalada Cloppenburg ee dalka Jarmalka

Cloppenburg (Halqaran.com) – Muwaadin Soomaali ah ayaa xaaskiisa ku dilay gudaha dalka Jarmalka, kaddib markii uu u adeegsaday mindi ama toorey Axaddii shalay.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray, Leylo Saciid ayaa shalay sababsatay gacanta ninkeeda oo ay muddo kooban wada noolaayeen. Wuxuuna dilkani ka dhacay magaalada Cloppenburg ee gobolka Niedersachsen oo ay deganeed.

Allaha u naxariisto, Leylo saciid ayaa la sheegay, inay dalka Jarmalka timid sanad ka hor, kaddib markii hay’adda Qaxootiga adduunka ay ka soo qaatay dalka Masar oo ay qaxooti ku aheyd.

Faarax Cali, waa ninka dilay xaaskiisa Leyla Saciid, waxaana la sheegay inay is-qabeen muddo labo bilood kaliye.

Ehellada labada dhinac ayaa sheegay in uusan jirin wax muran ama khilaaf oo u dhaxeeyay marxuumadda iyo ninkeeda. lama oga ilaa iyo hadda waxa uu salka ku hayo dilkaasi.

Ciidanka booliska magaalada Cloppenburg ayaa gacanta ku soo dhigay ninka xaaskiisa dilay.

Waa Marxuumad Leyla Saciid iyo Wiilkeeda/Sawir hore/Photo Credit: Sozial Media.

 

Marxuumad Leyla Saciid ayaa ifka uga tagtay Wiil yar oo laba sano jir ah, waxaana hadda wiilkaasi gacanta ku haya oo la wareegay xafiiska qaabilsan xanaannada Carruurta iyo dhallinyarada da’da yar ee Jugenamti-ga.

Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa si weyn uga argagaxay dhacdada foosha xun ee ka dhacday magaalada Cloppenburg ee gobolka Niedersachsen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *