Senator Faroole: ‘‘Farmaajo si cad ayuu u jebiyay dastuurkii, dalkiina god buu ku sii wadaa”

Garowe (Halqaran.com) – Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay go’aankii Baarlamaanka ku ansixiyay matalaaddii Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir.

Senator Faroole oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa marka hore sheegay in uu ka xun yahay ansixinta Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Golaha Aqalka Sare.

Waxaa uu sheegay in ansixinta Xeerka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare uu yahay mid ka baxsan Dastuurka Qaranka uu leeyahay, sida uu yiri.

Senator Faroole ayaa waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku eedeeyay inay iska kaashadeen meel-marinta Xeerka Matalaadda ee Gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay Faroole in Madaxweyne Farmaajo uu si cad u jebiyay Dastuurkii iyo Shuruucdii dalka, ee lagu soo doortay, isla-markaana uu hareer-maray wixii ay shacabka Soomaaliyeed heshiiska ku ahaayeen, dalkiina uu ku sii ridayo god dheer.

“Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii dastuurka loo xil saaray inuu difaaco baa godka ku riday, wuxuuna kula shiraakoobay sharci darada hoggaanka Golaha Shacabka.”ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Faroole uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu kula taliyay inaanu Magaalada Muqdisho kaga qaybgelin Shirka Amniga Qaranka, oo lagu wado in magaalada ka qabsoomo inta u dhaxeyso 5-ta illaa 8-da bisha soo socoto ee Luulyo.

Si kastaba ha’ahaatee, dowlad goboleedka Puntland ayaa hormuud u ah ololaha lagu diidan yahay in Gobolka Banaadir uu markii ugu horeysay uu matalaad ku yeesho Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

One thought on “Senator Faroole: ‘‘Farmaajo si cad ayuu u jebiyay dastuurkii, dalkiina god buu ku sii wadaa”

  • June 29, 2020 at 21:31
    Permalink

    Waa caadifad, uu Hawiye ka raadinayo, si muda kororsi loogu sameeyo, sharcigii dalkana sidaa ayuu ugu tuntay, wax muda kororsi ah uu helayana ma jirto, hana dhaafo arritiisu waxa ay u egtahay, maxamed siyaad ayaa xoog lagu saarey, waa in aan anna burburiyaa wixii ay dhiseen, waa xaqiiq, wax ma garatuu helay.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *