Bangiga Adduunka oo ansixiyay $40 Milyan oo lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Bangiga Adduunka ayaa maanta waxaa uu ansixiyay $40 Milyan (Afartan Milyan oo Dollar), oo loogu talagalay in beeraleyda Soomaaliya looga caawiyo saamaynta uu ku yeeshay Ayaxa.

Ayaxa ayaa labadii xilli ee ugu dambeysay cagta mariyay dalagyadii beeraha ee la filaayay inay soo go’aan, taasoo la tilmaamay inay ka dhalan karto arrimo bani’aadamo.

Lacagtan ayaa waxay qayb ka tahay mashruuc ballaaran ee Bangiga Adduunka uu ku taageerayo Wadamada Afrika iyo Bariga Dhexe, oo sidoo kale uu saameeyay Ayaxa.

Ayaxa ayaa saameeyay 2.6 milyan oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolada Soomaaliya.

Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Felipo Jeremilo ayaa qiray in Ayaxa uu cagta mariyay beeraha, isla markaana ay taasi sababtay xaalad bani’aadanimo.

“Ayaxu waxaa uu baabi’iyay dalagyadii beeraha, waxaa uu abuuray xaalad bani’aadanimo, waxa uu sababay yaraashaha cunada la heli karo, oo dhaliyay oo hoos u dhac dhaqaale.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Sidoo kale, Felipo Jeremilo ayaa sheegay in taageeradaan maaliyadeed ee Soomaaliya loogu yaboohay loo adeegsan doono mashruuca baxnaaninta ee taageerada danyarta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maamulka Bangiga Adduunka kaga mahadceliyay dhaqaalahan ay ku taageereen dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *