RW Kheyre oo Dooxa kula kulmay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Qatar

Dooxa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa waxa uu kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.

Kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana qeyb ka ahaa xoojinta xiriir wanaagsan ee dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, kaasi oo ku saleeysan iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga.

RW Kheyre oo qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ugu madceliyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar, wuxuuna sheegay inuu la qaatay kulan miro dhal ah, uuna ku faraxsan yahay.

Sharaf ayey ii ahayd in kulan miro dhal ah aan Dooxa kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga” ayuu yiri RW Xasan Cali Kheyre.

Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, iyagoo halkaas u jooga Safar shaqo, sida uu shaaciyay Xafiiska Warfaafinta ee ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *