Xildhibaannada Golaha shacabka oo Ansixiyay xeerka deegaameynta kuraasta

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BF Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah ansixiyay Xeerka Asteynta Kuraasta oo maalmihii la soo dhaafay Beelaha qaar ay ka keeneen cabasho la xiriirta deegaan aan aheyn kooda in la geeyay kuraastooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in 144 Xildhibaan ay ogolaatay, waxaa ka aamustay 4, waxaana diiday 2 Xildhibaan.

Tirada guud ee Kulanka maanta fadhiday ayaa waxa ay gaarayeen illaa 150 Xildhibaan oo Kooramka uu si toos ah ugu furmay.

Xeerka deegaameynta ayaa ah mid maalmihii lasoo dhaafay cabasho badan ay ka timid, maadaama Xildhibaannada qaarkood ay meel ka baxsan deegaankooda ay kursiga la aadin.

Siyaasiyiin badan ayaa Shaki badan ka muujiyay tallaabada maanta ay qaadeen Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana horay u diiday qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *