Madaxweynaha Somaliland ‘Biixi’ oo Hargeysa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Kenya

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabilay wafdi ka socday dalka Keyna, kaas oo ka koobnaa xildhibaanno, siyaasiyiin maal-gashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah.

Ugu horreyn, xubnaha wafdiga waxay Madaxwaynaha Somaliland soo gaarsiiyeen Salaan ay uga sideen Madaxwaynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Imaatinka wafdiga ayaa waxa uu daba socday wafdiyo dhowr ah oo ka socday Somaliland oo labadii sano ee u dambeeyay tagayaan dalka Kenya, ujeedkooduna ahaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska.

War kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxawayne Muuse Biixi Cabdi uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahadceliyay wafdiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxa uu bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay.

Ugu dambeyn, waxa uu Madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd, madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *