Soomaalida dalka Jarmalka oo ka mudaaharaaday dilkii Roobe Warsame & dhibaatooyinka heysta boqolaal Soomaali ah +(SAWIRRO)

Hamburg (Halqaran.com) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka ayaa soo qaban qaabisay Mudaaharaad ay kaga soo horjeedeen qaabkii uu u geeriyooday Rooble Warsame oo 22-sano jir Soomaali ahaa kaasoo ku dhex geeriyooday 26-kii bishii Febraayo 2019 xabsi ku yaal magaalada Schweinfurt ee Bayern waxayna dadka dibad baxayey ay ku dhawaaqayeen in qoyska Rooble uu helo cadaalad.

Marxuum Rooble ayaa Xilli habeen ah Kaamkii uu daganaa ay ka kaxeeyeen Booliska, kadib markii ay isqabteen dhallinyaro ay Kaamka wada deganaayeen.

Wardiyayaasha kaamkaasi ayaa ku guuldaraystay in ay xalliyaan buuqa dhallinyarada, waxayna u waceen Booliska, Rooble sidaasi ayuu Booliska ku kaxeystay.

Laba saac kaddib, Boolisku waxay ku soo wargeliyeen dadkii joogay kaamka in Rooble uu geeriyooday oo uu isaga is-diley, balse arintaasi way  ku adkaatay inay aaminaan Soomaalida degan Jarmalka, walow ay tuhmeen in Rooble uu ku baxay gacanta booliiska. waxayna dalbayaan caddaalad iyo baaritaan dhab ah in lagu sameeyo kiiska marxuum Rooble.

Dhinaca kale, Dadkii shalay ku mudaaharaaday magaalada Hamburg waxay cabasho xooggan ka muujiyeen Sharci la`aanta haysata boqolaal Soomaali ah oo ku nool Jarmalka.

Dibad-baxayaashu waxay dalbadeen in ay helaan xuquuqda lamid ah tan muhaajiriinta kale ay haystaan, sidoo kale wax yaabaha ay ka cabanayeen dadkii mudaaharaadayey waxaa kamid ah, Warqadaha Guurka Soomaalida oo aysan Dowladda Jarmalka aqoonsaneen, Caruurta Soomaalida oo aan lasiin Warqadda Dhalashada saxda ah, Midaynta qoysaska oo ay dhibaato xooggan ka haysato iyo Guryaynta.

Mudaaharaadkan oo kadhacay iridda hore ee xaruunta Baarlamaanka maamul goboleedka Hamburg ayaa ugu dambayntii waxaa loo gudbiyay Baarlamaanka waxyaabihii ay ka cabanayeen Soomaalida oo qoraal ah.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Hamburg, Axmed Nuur Ibrahim (Soomaali) oo gabagabadii ka hadlay mudaaharaadka ayaa sheegay in ay ka sugayaan dowladda Jarmalka in xal loo helo dhibaatooyinka ay ka cabanayaan Soomaalida dalkan ku nool.

Xafiiska Wararka Halqaran.com, Hamburg-Germany
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *