Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF Soomaaliya oo tegay Garoowe

0

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DF Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi.

Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Isimo, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Wafdiga Guddomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka DF Soomaaliya ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Safarka Cabdi Xaashi kaligiis uu ku tagay Magaalada Garowe, ayaa muujinaayo khilaafka jira ee kala dhaxeeya Madaxda dowladda Federalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here