Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Diinsoor & Wararkii ugu dambeeyay

0

Diinsoor (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay, ayaa sheegaya, in xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka degmada Diinsoor, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in dagaalka uu ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kadib markii hawlgal ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ururka 154-aad ee Ciidamada Dowladda qeybta 60aad Cali Xasan Cali (Taliye Carab) ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen ay ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana tuulooyin dhowr ah ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ay isaga baxeen.

Taliye Carab ayaa sheegay dagalkii ka dhacay duleedka degmada uu ka dambeeyay kadib markii hawlgal ay ku qaadeen deegaanka Diinsoor Wiigli, isla markaana dagaal dhacay lagu dilay Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa inay weli wadaan howlgallada.

Dhinaca kale, Ururka Al-Shabaab ayaa iyagana sheegtay guulo inay ka gaareen dagaalkaasi, islamarkaana ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda.

Al-Shabaab ayaa hadda ku sugan deegaano badan oo ka tirsan gobollada Koonfur Galbeed, iyagoona halkaasi kula dagaallama ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here