Ururka Iskaashiga Islaamka oo $50 kun oo dollar ah ugu deeqay DF Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wisiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee DF Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nuur, ayaa maanta deeq lacageed oo dhan $50,000 oo doolar ka guddoontay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibbadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, taasi oo loogu tala galay hawlaha ladagaallanka cudurka Karoonaha (COVID-19).

Deeqdan ayaa ka timid Ururka Iskaashiga Islaamka (Organization of Islamic Cooperation).

Munaasabadda wareejinta lacagta deeqda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Mudane Cabdirisaaq Siyaad Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka.

Wisiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa ka mahadcelisay deeqda soo gaartay, waxa ayna goobta ka sheegtay in lacagtan ay Wasaaraddu toos ugu wareejin doonto Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir si loogu kabo, looguna xoojiyo adeegyada caafimaadka ee uu bixiyo Isbitaalka Banaadir.

Sidoo kale, 16 April, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka jeeg lacag oo ay ku qornayd $ 100,000 oo ahayd deeq maaliyadeed oo ka timid urur goboleedka IGAD oo uu ku garabistaagayay Soomaaliya dagaalka ay ku xakamaynayso cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Ugu dambeyn, wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 3,119 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Coronavirus (Covid-19), oo ay ka mid yihiin 1,457 ruux oo bogsatay iyo 93 ruux oo u geeriyootay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here