Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay Kalsooni kala noqoshada RW Kheyre & Xukuumadiisa

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aankii ay golaha shacabka kalsoonida kala noqdeen xukuumadda uu hoggaaminayay RW Xasan Cali Kheyre.

Haddaba halka hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya:

Madaxweynaha JF Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Farmaajo ayaa waxa uu muhiim u arkayay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda aan ku jirno, balse asagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here