Puntland, Jubbaland & Hirshabeelle oo shaaciyay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee doorashooyinka

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle oo ka duulaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda DF Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug, 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid aheyd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, guddigaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka ayaa ku dhawaaqay xubnaha Guddigaasi ku ma tali doonna.

Halka hoose ka akhriso Magacyada Xubnaha Saddexda maamul goboleedka:

Puntland

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

2- Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Hirshabeelle

1- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Maxamed Cali Caadle

2.Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda Hirshabelle Abdul Mohamed Farah Makaran

Jubbaland 

1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.

2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Ugu dambeyn, gudiyadaan  ayaa shaqadoodu tahay inay talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka horgeeyaan shirka 3-aad ee la isugu imaandoono Magaalada Dhuusamareeb muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *