UPDATE: Xasan Cali Kheyre oo si deg-deg ah dib ugu soo noqday Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’isul wasaarihii Xukuumadda, Xasan Cali Kheyre oo Sabtidii maanta Baarlamaanka Soomaaliya uu kalsoonida kala laabtay ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii uu kasoo ambaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya tiro Xildhibaanno iyo Wasiir ka tirsanaa xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, halkaas oo uu warbaahinta kula hadli doono.

Kheyre ayaa lagu waddaa in uu ka hadlo go’aankiisa ku aadan kalsooni kala noqoshadda Golaha shacabka ee BF Soomaaliya.


Wararka Kale ee maanta oo Xiiso Leh:

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra’iisul wasaare kumeel gaar ah oo howlaha sii wada

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay Kalsooni kala noqoshada RW Kheyre & Xukuumadiisa

https://www.halqaran.com/index.php/2020/07/25/update-guddoomiye-mursal-oo-shaaciyay-in-kalsoonida-lagala-noqday-rw-kheyre-xukuumadiisa/

Puntland, Jubbaland & Hirshabeelle oo shaaciyay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee doorashooyinka


Kala soco marwalba wararkii ugu dambeeyay Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here