Midowga Yurub: ‘‘Dastuurka Qaranka ma waafaqsana kalsooni kala noqoshadii RW Kheyre‘‘!

0

Nairobi (Halqaran.com) – Ururka Midowga Yurub ayaa si adag uga horyimid tallaabadii Sabtidii shalay kalsoonida loogala noqday ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Xukuumaddiisa.

Madaxweyne Ku-xigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku sheegay inay nasiib darro tahay wixii Sabtidii shalay ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka, ayna horseedi doonto dib u dhaca Soomaaliya iyo kalsoonidii uu ku qabay Midowga Yurub.

“Nasiib darro, arrimaha ka dhacay Golaha Shacabka Soomaaliya Sabtidii, waxay dib u dhac ku yihiin Soomaaliya iyo kalsoonidii Midowga Yurub uu ku qabay horumarka Soomaaliya.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Mr. Josep Borrell ayaa war Saxaafadeedka ku sheegay in hannaanka loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumaddii Khayre aynaan waafaqsanayn Dastuurka Qaranka.

“Hannaanka loo maray mooshinka codka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda, xitaa ma aysan buuxin shuruudaha ugu yar ee dastuuriga ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Midowga Yurub.

Wuxuu kaloo sheegay, Josep Borrell, in ficilada ceynkani oo kala ah, ay ixtiraam darro ku yihiin aasaasidii Dastuurka Dalka, ee maal-gelintiisu uu lahaa Ururka Midowga Yurub.

“Ficiladan waxay xushmad darro weyn ku yihiin aasaasiga dastuuriga ee Soomaaliya ee Midowga Yurub uu maal-gelinayay.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Midowga Yurub.

Sidoo kale, Josep Borrell ayaa War Saxaafadeedkiisan ku sheegay in Midowga Yurub uu si taxadar leh u eegi doono ciddii ka masuulka ahayd arrintaasi iyo weliba cidda ay tahay inay masuuliyadeeda qaaddo.

“Midowga Yurub wuxuu si taxadar leh uu dib ugu eegi doonnaa, sida ay ku yimaadeen dhacdooyinkan iyo cidda qaadeysa masuuliyadda iyo heerka ay Somaliya ka weecin karaan horumarkii ay sameyneysay.” Ayuu yiri Mr. Borrell.

Si kastaba, hadalkaan adag ee ka soo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa xoojinaya warkii xalay ka soo yeeray Xukuumadda Washington, ee lagu dhaliilay dhabihii loo maray kalsooni kala noqoshada Xukuumaddii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here