UPDATE: Internetka oo ka go’an Koonfurta & bartamaha Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalooyinka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka go’an adeegga Internetka, iyadoo aan la ogeen sababta ka dambeysay arrintaasi.

Wararka ay heleyso warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in wixii ka dambeeyay barqanimadii Axadda maanta mar qura laga war helay adeegga Internetka oo go’an magaalooyinka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Nooc kasta oo adeegga Internet-ka ayaa tan iyo barqanimadii maanta ka go’an Gobollada Koonfurta Soomaaliya, taasoo ay dadku wax badan iska weydiinayaan. Bulshada Soomaaliyeed oo bulsho hadasha lagu tilmaamo ayaa dareentay maqnaanshaha adeegga Internet-ka.

Waxaa aad u adag in dadka ku sugan Magaalada Muqdisho ay wacaan teleefanada dibadda. Dadka ku sugan meelaha ka baxsan Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka kale ee Gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ku adag inay xiriir la sameeyaan dadka ku sugan magaalooyinkaasi.

Laakiin adeegga Internetka ayaa maanta si caadi ah u shaqaynaya deegaannada Puntland iyo deegaanno kaleba.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegmeysaa, xilli Xildhibaanada Golaha Shacabka ay Sabtidii kalsoonida kala noqdeen Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, islamarkaana uu soo dhaweeyay Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya, in tan iyo markii shalay xildhibaannada golaha shacabka ay kalsoonida kala noqdeen RW Kheyre ay soo badanayeen siyaasiyiin Villa Soomaaliya ku eedeynaya inay dalka gelinayso xaalad ay adag tahay in laga gudbo.

Ugu dambeyn, Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo Xildhibaannada aqalka hoose ee Baarlamanka ay xukuumaddiisa kala laabteen kalsoonida oo arrintaasi xalay saqdii dhexe ka hadlay ayaa sheegay in wixii ka dhacay Xarunta Golaha shacabka ay ahaayeen wax baal marsan sharciga dalka, balse isagoo u turaya shacabka uu xilka iska casilay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *