Duqii magaalada Beledweyne oo xilkii laga qaaday, mid cusub-na loo magacaabay

Beledweyne (Halqaran.com) – Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaja Gudaha ee Maamulka Hirshabelle, ayaa xilkii looga qaaday Duqii Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilkii laga xayuubiyay Safiyo Sheekh Xasan Jimcaale, waxaana xilkaasi loo magacaabay Nadar Tabaax Maalin oo noqonaysa Duqa cusub ee Magaalada Beledweyne.

Duqii hore ee Beledweyne, Safiyo ayaa xilka soo haysay muddo dhan sanad iyo bilooyin, waxaana ugu dambeyn ku dhacay isbedelka joogtada ah ee lagu sameeyo Xubnaha Maamulka Hiiraan.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa lagu sameeya isbedel joogto ah oo aan la garaneyn waxa looga gol leeyahay, iyadoo muddo lix bilood ah suuragal ay tahay in lagu bedelo Xubnaha Maamulka qaarkood.

Halka hoose ka akhriso Wareegtada:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *