Madasha Xisbiyada oo ka horyimid go’aannada ay soo saareen Xukuumadda Xilka sii-haysa

Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Lix Xisbi Siyaasadeed oo ay hoggaanka u yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ay kasoo horjeesteen tallaabooyinkii ugu dambeeyay oo ay qaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ee xilka siihaya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa loogu baaqay Madaxda Sare ee dalka iyo Golaha Wasiirada xilka sii-haya inay ilaaliyaan Sharciga iyo Dastuurka xilligaan lagu guda jiro kala-guurka oo hadaan la garowsan uu dalka geli karo khalalaaso siyaasadeed.

Madasha Xisbiyada Qaran waxa ay ka soo horjeesteen magacaabista Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga Batroolka ee Wasiirada xilalka sii haya ay magacaabeen.

Madasha Xisbiyada Qaran waxay ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Xildhibaanada Baarlamaanka inay ka shaqeeyaan illaalinta nidaamka Sharciga ee dalka u yaallo, xubnahaasi la magacaabayna aanan la meel marin, maadaama Dastuurka KMG uu ka soo horjeedo magacaabistooda.

Halka hoose ka akhriso War-murtiyeedka Madasha Xisbiyada Qaran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here