UPDATE: Qarax xooggan oo gil-gilay Caasimadda Beirut ee dalka Lubnaan

Beirut (Halqaran.com) – Qarax weyn ayaa ka dhacay Caasimada Lubnaan ee Beirut, sida Warbaahinta iyo dowladda waddankaasi ay xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay agagaarka dekedda magaalada Beirut, iyadoo warar aan la xaqiijin ay ka yihiin qarax labaad.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxaasi gil-gilay Caasimadda Beirut.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ee NNA iyo laba ilo wareed oo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay aagga dekedda magaalada oo ay ku yaalaan bakhaarada waxyaabaha qarxa.

“Waxaan arkay qiiq ka baxaya Beirut. Dadku waxay qaylinayeen war na caawiya, Waan dhiigbaxeynaa, Balakoonnada ayaa laga daadiyay dhismayaasha. Muraayadaha dhismayaasha dhaadheer leh ayaa dumay oo ku dhacay wadada” ayuu yiri goobjooge.

Idaacadda LBC ee maxalliga ah ayaa soo xigatay wasiirka caafimaadka isagoo leh “tiro aad baa dhaawac ah.

Telefishinka Al Mayadeen ayaa sheegay in boqolaal ay dhaawacmeen, islamarkaana wali uu socdo gurmad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here