Danjirayaasha dalalka Somaliya iyo Itoobiya ee Suudaan oo arrimo muhiim kawada hadlay

Khartoum (Halqaran.com) – Kulan muhiim ah oo dhexmaray Safiirada Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya u jooga waddanka Suudaan ayaa waxa uu ka dhacay xafiiska Danjiraha JF Soomaaliya, Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq uu ku leeyahay magaalada Khaartuum ee dalkaasi.

Kulankan ayaa yimid, kadib markii Safiirka cusub ee Itoobiya u fadhin doona dalkaasi Suudaan Amb. Yibeltal Aemero Alemu uu booqasho rasmi ah ku tagay safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, si ay uga wada hadlaan wada shaqeynta labada dhinaca.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Suudaan, Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA, ayaa sheegay in uu xafiiskiisa ku qabilay danjiraha Itoobiya ee Suudaan.

Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa intaasi ku daray in ay ka wada hadleen labada mas’uul sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal.

“Waxaa maanta booqasho iigu yimid xafiiskeyga safaaradda Khaartuum, Danjiraha Dowladda aan saaxiibada dhownahay ee Itoobiya u fadhindoona Dalkan Suudaan, Amb Yibeltal Aemero Alemu, waxaana ka wada hadalnay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal” ayuu yirii Danjire Maxamed Sh.

Mas’uuliyiinta safaaradaha JF Soomaaliya ee dalalka Caalamka oo hoostaga wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey daddaal xoogan ugu jiray kor u qaadista siyaasadda arrimaha dibadda dalka iyo diplomaasiyadda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here