Xildhibaanada Golaha Shacabka oo si cad u diiday ansixinta Ajendaha Kulankii maanta

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa diiday ansixinta Ajendaha kulanka maanta oo ah Mashruuc sharci oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Qaar ka mid ah xildhibaannada oo ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan, iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban.

Xildhibaanada diiday waxa ay sheegeen inaysan marnaba raali ka aheyn in Golaha la horkeeno waxyaabo ka hor imaanaya ama wax u dhimaya Diinta islaamka iyo Dhaqanka Suuban.

Sidoo kale, waxay sheegeen in aan la marsiin karin akhrinta koowaad loona baahan yahay in wax ka baddel lagu sameeyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dalbanaya in laga doodo Arrimaha doorashooyinka Qaranka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here