Dallad ay ku mideysan yihiin Jaaliyadaha Soomaalida ee ka jira dalka Jarmalka oo la sameeyay +(SAWIRRO)

Dortmund (Halqaran.com) – Shirka ay isugu yimaadeen maalinnimadii shalay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ka dhisan magaalooyinka iyo gobollada dalka Jarmalka oo ka dhacay magaalada Dortmund ee gobolka Nordrhein Westfalen oo ay kasoo qayb galeen ergo gaaraysay 50 xubnood oo matalaysay 17 Jaaliyadood ayaa lagu doortay Guddoomiyaha Dalladda Guud ee mideynaysa dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ka jira dalkan.

Kulankan ayaa ugu horrayn lagu daah furay Aayadaha Quraanka iyo kalmado dardaaran Alle ka cabsi ah oo uu halkaasi kasoo jeediyey Sheekh Axmed Al-Qaasimi oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Wolfsburg.

Intii uu socday kulanka waxaa si adag looga dooday Sharciyada iyo xeerarka lagu hagaayo daladdan, waxaana ugu dambayntii ay isku raaceen ergadii shirka kasoo qayb gashay in la doorto gudigii hoggaamin lahaa daladda.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Hamburg, mudane Axmed Nuur Ibrahim (Soomaali) oo ahaa Gudoomiyaha guddiga doorashada Dalladdan ayaa mid mid fursad u siiyey 3 musharax oo u taagnayd xilka Guddoomiyaha Daladda si loo dhagaysto qorshaha iyo khibradooda aqooneed ee musharixiinta.

Waxaana ugu dambayntii ergada shirkaasi kasoo qayb gashay qaab gacan taag ah ugu codeeyeen saddexdii musharax ee u tartamaysay in ay qabtaan xilka Gudoomiyaha Dalladda. waxaana halkaasi Guddoomiyaha Dalladda loogu doortay Eng. Xasan Buraale oo ah Guddoomiyaha hay`adda (Somali Student Equal Opportunity).

Halka Guddoomiye ku-xigeenka Dalladda loo doortay Faadumo Muuse Afrax oo ah gabar u dhaqdhaqaaqda arimaha Bulshada ahna Guddoomiyaha Hay`adda United Action oo fadhigeedu yahay magaalada Berlin ee caasimadda Jarmalka, waxaana xilkan kula tartamay ilaa Afar musharax.

Sidoo kale, waxaa halkaasi lagu doortay xubnaha kala ah, madaxa Maaliyadda ee Dalladda, Hanti dhowraha, Xog-hayaha guud, Afhayeenka Daladda iyo madaxa arimaha Bulshada dhaqanka iyo Sports-ka dhamaan xubnahan oo lagula tartamay boosaskan waxaa qaab gacan taag ah ku doortay ergadii matalaysay Jaaliyadaha.

Ugu dambayntii, ergada shirka ayaa u mahadcelisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Dortmund oo uu hogaamiyo Dr. Cali Cabdiraxmaan oo martigelisay shirkan iyo guddigii qaban qaabada shirka, waxaana ay kula dardaarmeen gudiga loo doortay in ay hoggaamiyaan Afarta sano ee soo socota Dalladdan in ay gutaan waajibaadkii loo igmaday si wanaagsan.

Tifaftiray – AFH

Xafiiska Wararka Halqaran.com, Bremen, Germany
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *