Shirkadda diyaaradda Turkish Airlines oo dib u billaabeysa Duulimaadyadii Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Gaadiidka dowladda Turkiga ayaa shaacisay inay dib u bilaabeyso duulimaadyada Caalamiga ah oo ay ku tagi jireen dalal dhowr ah, kuwaas oo loo hakiyay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus (Covid-19).

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee dalka Turkiga, Adil Karaysmayoglu ayaa sheegay inay soo gebgabeeyeen wada-hadallo ay kula jireen 92 dal, kaas oo ku saabsanaa dib u billaabidda duulimaayada ay dalalkaasi ku tegi jireen diyaaradaha Shirkadda Turkish Airlines.

Adil Karaysmayoglu, ayaa sheegay in duulimaadyada qorsheysan iyo kuwo aan qorsheysneyn intaba ay bilaawdeen 13-kii Bishaan si toos ahna ay u socon doonaan, maadaama dhaqaallo farabadan uu dowladda kasoo geli jiray.

Dhinaca kale, Madaxda Shirkadda Turkish Airlines ayaa waxaa ay sheegeen in dhaqaali yari ay soo wajahday Shirkadda wixii ka dambeeyay markii Cudurka Coronavirus ka dillaacay Caalamka, isla markaana ay khasaareen lacag dhan 2.23 Billion ee Lacagta Liiraha Turkiga (TL) oo u dhiganta 315.9 million oo Dollar.

Wadamada Diyaaradda Turkish Airlines ay safarka ku tegi jirtay ayaa waxaa kamid ah, Somalia, Jabuuti,Belgium, Sweden, Russia. Serbia, Senegal, Luxembourg, Masar, Libiya,Ukraine Lubnaan, Indonesia, Talyaaniga, Kuweyt, Kosvo, Albania, Algeria, Azerbajan, Austria,Bangaladesh, Belarus, Bosnia Herzegovina,Switzerland, Canada, China, Croatia, Denmark, Jarmalka, Faransiiska, UK, Greece, Hong Kong, Israel,. Ivory Coast, Qatar, Poland, , The Netherlands iyo Maraykanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here