Guddoomiyihii & Taliyihii booliska Goofgaduud oo lagu dilay Qarax & Wararkii ugu…

Goofgaduud (Halqaran.com) – Warar cusub oo ka soo baxaya weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo ismiidamin oo xubno ka tirsan maleeshiyada Ururka Al-Shabaab saaka ku qaadeen Xerada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ee degaanka Goofgaduud Buureey ee gobolka Baay.

Dagaal culus oo maanta barqadii soo gaaray ayaa Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray degaanka Goofgaduud Buureey, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Xerada la weeraray ay ku baxeen Guddoomiyihii degaanka Goofgaduud Buureey Isaaq Cali Isaaq iyo talihii Ciidanka Booliska deegaankaaas Xasan Bakaa, hayeeshee ay ku dhinteen qarax meyd lagu soo xiray oo ka dhacay Goobta uu dagaalka ka socday, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka degaanka Goofgaduud Buureey ay ku dhinteen askar iyo dad Shacab ah, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Goofgaduud Buureey ayaa waxaa ay sheegayaan in weli deegaankaas laga maqlayo rasaas goos goos ah, waxaana degaanka ku baxay Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay weerar qarax ku bilaawday ku qaadeen degaanka Goofgaduud, isla markaana ay la wareegeen Saldhigyada Ciidamada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *