XOG: Imise maalmood baa ka harsan soo magacaabidda Ra’iisul wasaaraha Cusub?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaad mooddaa in uu ka gaaray inuu horey u soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha 2aad ee dowladdiisa, xilli mudada u harsan ay gabaabsi ku dhowdahay.

Soo magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha cusub ayaa loo baahday, ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay eryeen Ra’iisal Wasaarihii Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo 25-kii bishii Luulyo ku dhawaaqay in kalsoonida lagala laabtay Xukuumaddii Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu si deg deg ahi ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaare kale.

Madaxweynaha oo xilligaa aqbalay kalsooni kala noqoshada Xukuumaddii hore ayaa Warsaxaafadeed ku sheegay in si dhakhsi leh ku soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaaraha 2aad, ee ay dowladdiisu yeelaneyso.

Wuxuu waqtiga is guraba laba maalmood ayaa ka harsan mudada uu dastuurka u ogolyahay inuu Madaxweynuhu ku soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha.

Dastuurka ayaa qeexaya in Madaxweynuhu uu Ra’iisal Wasaarihiisa ku soo magacaabi karo soddon maalmood amaba muddo bil ah.

Madaxweynaha ayaa xaq u leh inuu Golaha Shacabka weydiisto in loo kordhiyo mudada uu ku soo magacaabi karo Ra’iisal Wasaaraha, haddi soddonkaasi maalmood ku yaraato, inkastoo aysan iminka taasi ifafaalaheedii muuqan.

Madaxweynaha ayaa 15-kii bishan hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka, xilligaa oo uu u faah faahiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb 2, ee 22-kii bishii hore ee Luulyo lagu soo geba-gabeeyay magaaladaasi.

Farmaajo ayaa la fillaya in Ra’iisal Wasaaraha xigga uu ka soo dhex xusho liis, ay ku qoran yihiin magacyada in ka badan toban xubnood, oo araajiyadoodu yaallaan xafiiskiisa, kuwaa oo midkood ay tahay inuu u xusho Xafiiska 2aad ee dalka ugu sareeya.

Ma cadda in Madaxweynuhu uu diyaar u yahay amaba uu horey u sii xushay shakhiga lagu wado inuu u magacaabo Ra’iisal Wasaaraha soo socda.

Marka loo eeggo hannaanka awood qaybisga beelaha ee 4.5 waxaa la qiyaasayaa in Wasiirka 1aad ee Golaha Fulinta uu ka imaan doono Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, midkood.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa laba toddobaad uun ku soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, kadib doorashadii uu ku soo baxay ee 8-dii bishii February ee sanadkii 2017 ka qabsoomtay Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here