AKHRISO +VIDEO: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukun ku riday mas’uuliyiin loo heystay musuq-maasuq

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Isniintii maanta soo gabagabeysay kiisas dacwad musuq oo loo haystay Masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kuwaasi oo muddooyinkii dambe kiiskooda uu ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Waxay maxkamadda ay soo saartay xukunka ay muteysteen xubnaha ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, halka sidoo kale maxkamadda ay fasaxday shaqsiyaad kale oo isla Wasaaradda Caafimaadka ka tirsanaa oo ku eedeysnaa kiiska Musuqa.

Hadda halka hoose ka akhriso xukunka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku riday mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka Somaliya.

1 – Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali oo lagu eedeeyay xatooyo Xoolo dadweyne,waxaana lagu xukumay 9 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollariyo ka reebid Xafiis Dadweyne.

2 – Agaasimaha Waaxda Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Buule Maxamuud oo lagu helay fal la xiriira xatooyo Xoolo Dadweyne, waxaana lagu xukumay 18 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar iyo ka reebid Xafiis Dadweyne

3 – Madaxa Xisaabadka ee mashruuca wacyigelinta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Mahdi Abshir Maxamed oo lagu helay xatooyo xoolo dadweyne, waxaana lagu xukumay 12 sano oo Xabsi ah ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar iyo ka reebid Xafiis Dadweyne.

4 – Madaxa mashruuca mallaariyada ee Wasaaradda Caafimaadka Bashiir Cabdi Nuur waxaa lagu xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 1183 iyo ka reebid Xafiis Dadweyne

Ugu dambeyn, maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amartay in la siidaayo 5 kale oo kamid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kuwaas oo Maxkamaddu sheegtay in dambi lagu waayay.

Halka hoose ka daawo muuqaalka Xukunka Maxkamadda:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here